Saraakiisha Militariga Somaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa abaabul ciidan ka wada Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, kaas oo la xiriira wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Xoogag ka tirsan Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa maanta lagu soo bandhigay duleedka magaaladaasi, gaar ahaan aagga Deegaanka Ceel Cali Mire, si ay uga qayb qaataan hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Xoogagan ayaa isugu jira Xertii Ahlu Sunna ee kala ambatay, ka dib markii dhowr sano ka hor meesha laga saaray maamulkaasi, deegaankana uu yeeshay hal maamul oo Galmudug ah iyo cutubyo ka tirsan Xoogagii Ahlu Sunna ee muddooyinkii u dambeeyay ku uruursanaa deegaanka Bohol oo 25km jihada waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.
Warbaahinta ayaa fahamsan in xoogagan 50-kii cisho ee la soo dhaafay lagu diyaarinayay xero ku taala Dhuusamareeb, iyagoona la tababaranayay ciidamo deegaanka ah.
General Cabdiqaadir Xaaji Diiriye (Hanbacoor) oo horey uga mid ahaa Saraakiisha Dowladdii Dhexe, balse muddo dhowr iyo toban sano gacan saar la lahaa Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka mid ah saraakiisha halkaasi ku diyaarisay ciidamada.
Goobta maanta lagu soo bandhigay xoogagan ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle), oo 10-kii bishan Dhuusamareeb u tegay, si uu wax uga hoggaamiyo hawlgalka Galmudug.
General Laba Afle oo markiisii horeba aan ka fogeyn Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ciidamada u sheegay in ay u hawlgalayaan, sidii cadowga looga kicin lahaa dhulka ay ka haystaan deegaanada Galmudug.
Jananka ayaa xoogagaasi kula dardaarmay in iyaga iyo ciidamada kale ee lagu xoojin doono ay ka soo hadlaan Magaalada Ceelbuur. Ceelbuur waa magaalada ugu weyn ay Shabaabku hadda ka haystaan Gobolada Dhexe.
Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Ahlu Sunna ugu muhiimsan ayaa la filayaa in uu si gaar ah u hoggaamin doono cutubyada Ahlu Sunna ee wax ka xoreynaysa bariga gobolkaasi.
Dhanka kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xoogag kale oo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna lagu diyaariyay Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug,
Xoogagan ayaa la fahamsan yahay in ay hub iyo rasaasba ka heleen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, si ay uga garab dagaalamaan Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyadaasi.
Xoogagan ayaa Shabaabka ka difaacay weeraro kala dambeeyay oo sanadihii 2021 iyo 2022 ku qaadeen Wisil iyo Baxdo. Shabaabka ayaana ku hungoobay in ay qabsadaan degmooyinkaasi, iyadoo xitaa aysan joogin Dowladda Federaalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xoogagaasi u doortay waa inay ku wanaagsan yihiin la dagaalanka Al Shabaab, waana ninka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dhaadhiciyay in la soo dhaweysto, haddii aanu dalku lahayn cadow ka weyn Shabaab.
Taliyaha ayaa 30-kii bishii January Xarunta Taliska ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, iyagoona ku heshiiyay in dagaalka laga wada qayb qaato. Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa taageeradooda ku bedelanaya in dib loo soo nooleeyo doorkoodii siyaasadeed ee Galmudug iyo dalkaba.
Xoogagan ayaa la xusuustaa in muddo dheer ay dagaal kula jireen Shabaabka, intii Maamulkii Ahlu Sunna uu ka arriminayay qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe.
Shabaabka waxaa la sheegaa inaysan jecleyn dagaalka Xoogaga Ahlu Sunna, sababtu tahay iyagoo og inay caqiiddo ku dagaalamayaan.