Ciidanka Alpha Group ayaa ka qayb qaatay weerarkii ciidamadu ay xalay ka gaysteen deegaanka Sumadaale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa weeraray deegaankaasi, iyagoona dagaal culus kula galay maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Alpha Group ay qayb ka ahaayeen hawlgalka qorsheysan ay ciidamadu saqdii dhexe ee xalay ka fuliyeen goob ay ku sugnaayeen horjoogeyaal ka tirsan Shabaabka.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Gaarka ah ay hawlgalka ku beegsadeen horgoogeyaal ka tirsan Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay qorsheynayay dhagar ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Kuxigeenka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay ka dul dhaceen goob ay shir ku lahaayeen horjoogeyaashaasi, hawlgalkuna uu si guul ah ku soo dhammaaday.
“Si guul ah ayuu hawlgalkaasi runtii ku dhammaaday. Horjoogeyaashii halkaasi joogay iyo maleeshiyaadkoodii wax dhintay iyo wax dhaawacma ayay noqdeen. Runtiina sidii ciidanku ay ugu talagaleen ayuu ku dhammaaday.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala oo BBC la hadlay.
Alpha Group waa ciidan uu Mareykanku tababaro, waana ciidamo gaar ah oo kooban, balse ay tayadoodu aad u sarreyso, marka aad eegto tababarka ay qabaan.
Ciidanka Alpha Group ayaa ku hubeysan qoryaha daran-dooriga u dhaca ee leh diiradda shiishka iyo qalabka aragtida ee la adeegsado xilliga mugdiga. Xilliyada qaar ayay adeegsadaan qoriga Dhashiikaha ee ku xiran gaadiidka dagaalka.
Xoogagan ayaa qayb ka ah Ciidanka Gaashaan. Gaashaan waxaa la isku yiraahdaa Alpha Group iyo Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda, waxayna ka amar qaataan Taliska NISA.
Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo la arko, iyadoo Alpha Group ka qayb qaadaneyso hawlgalka ballaaran ee bishanba ka socday Gobolka Shabellaha Dhexe.
Magaca Alpha Group ayay dadku aad u maqlaan, marka Shabaabku ay weerarada tooska ah ku qaadaan Xarumaha Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho. Ciidankan ayaa caan ku ah soo afjaridda weeraradaasi.
Ciidanka Alpha Group oo la aasaasay sanadkii 2010 ayaa caan ku noqday in ay dableyda abaabulan ee maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan kula dagaalamaan Caasimadda Muqdisho, kolka ay weeraraan bartilmaameedyada ku yaala magaalada. Ciidamadan oo qaybtoodii labaad la tababaray sanadkii 2011, looguna magac-daray (Bravo Group) ayaa u diyaarsan in ay si degdeg uga jawaab xaaladaha soo kordha. Alpha Group ayaa lagu tababaray dalkaasi Mareykanka, halka Bravo Group lagu tababaray dalka gudihiisa.
Xoogagan ayaa mararka qaarkood hawlgalo gaar ah ka fuliya Muqdisho iyo deegaanada Gobolada Shabellooyinka ee ku teedsan caasimadda, si loo soo qabto xubnaha argagixsada ee xogtooda la helo amaba looga hortago weeraro ay qorsheynayaan.
Waxay u tababaran yihiin hawlgalada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada, uruurinta xogaha iyo ku hawlgalkooda.
Ciidankan ayaa ah kuwo uu wejiyada u duuban yahay, waxayna xaruntoodu ku taallaa Garoonka Aadan Cadde. Waxa keliya ay kaga duwan yihiin amaba lagaga dhex aqoonsan karo ciidamada kale ee dowladda waa dareyska/labiska u gaarka ah.