Home Dhacdooyin Xoogaga Guutada Gumac oo la geeyay deegaanka Raaskambooni

Xoogaga Guutada Gumac oo la geeyay deegaanka Raaskambooni

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa Arbacadan ciidamo hor leh gaysay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo kaabaya ciidamadii tobankii maalmood ee ugu dambeysay ay u daabuleysay deegaankaasi.

Cutubyo ka tirsan Xoogaga Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran oo laba diyaaradood ka raacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaada Muqdisho ayaa ka degay deegaankaasi oo hoostaga Degmada Badhaadhe.

Xoogaga Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa ka mid ah Ciidankii Xoogga Dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritrea, horraana dalka dib loogu soo celiyay.

Ciidamadan oo taliskooda ugu weyn uu yahay Xerada General Gordon ee Degmada Hodan ayaa la sheegaya in qaybtood laga soo saaray difaacyadii ay kaga jireen Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle.

Dowladda Federaalka oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa toddobaadkii hore bilowday inay markii ugu horreysay ay ciidamadeeda gayso deegaanka xuduudda ku yaala ee Raaskambooni, ka gadaal markii ay ka hortimid dib u doorashadii Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo 25-kii bishii November markii saddexaad loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Raaskambooni waxaa maalmahaanba ku sugnaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo Ciidanka Ilaalo Qaran ku soo dhaweeyay Raaskambooni ayaa sheegay in halkaasi loo keenay inay gutaan waajibaadkooda qaran, isaga oo xusay in aysan jirin meel ka mid ah dalka oo ciidamada ka reeban inay ka hawlgalaan.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bad, barri, xuduud iyo meel kasta xaq u leeyihiin inay ka hawlgalaan, annagoo fulinayna waajibaadka uu qaranku na saaray. Waxaan leenahay haddii Ilaahay yiraahdo waa inaanu ka mira-dhalino la wareegidda goobaha ay ATMIS ka baxday. (2) Waa inaanu ka hawlgalno cadowga deegaanada uu inta badan haystay. Labadaas ayaan annagu u joognaa deegaankan Raaskambooni.” Ayuu yiri Xasan Ciraaqi.

Sidoo kale diyaarad saddexaad oo sidday qalab ciidan iyo agab kale ayaa isla maanta ka degatay Raaskambooni, iyadoo diyaaradihii ciidamada siday ay la socdeen Wariyeyaal. Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo dowladdu ay koox Saxafiyiin ah gayso deegaankaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in dowladdu ay gacan adag ku qabaneyso amniga deegaankan, sababtu tahay tuhun ay ka qabto in Jubbaland ay diyaarineyso weerar ay ciidamadeeda ku qaadaan ciidamada halkaasi fariisimaha sameystay, iyadoo Ilaalo Qarana loo geeyay inay xoojiyaan amniga deegaanka, waxaana xusid mudan in halkaasi ay ku sii jeedaan wafdi ka socda Dowladda Federaalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay booqdaan deegaankaasi, si uu dhiirigelin ugu sameeyo ciidamada iyo askarta ka soo goosaneysa dhanka Jubbaland. Saraakiisha Militariga ayaa maanta Raaskambooni ka bilaabay diiwaangelinta askarta ku soo biireysa kuwa Dowladda Federaalka. Askartan oo u badan Daraawiishta Jubbaland ayaa hadda ka dib ku xuquuq noqonaya ciidamada uu qaranku gaarka u leeyahay.

Axmed Madoobe oo Jimcihii ka hadlayay Masjidka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ayaa ciidamada ku sugan Raaskambooni u qabtay in 15 maalmood ay halkaasi uga baxaan. Raysal Wasaare Barre ayaa Talaadadii ka digay in maamulka uu iska horkeeno labada ciidan.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo galabta ka warbixinayay xaaladda Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay burburineyso jiritaanka hay’adaha dowliga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ciidamada laga keenayo furimaha dagaalka ee lagu soo daabulayo deegaan aanu wax dhib ah ka jirin ay ujeedada laga leeyahay tahay in la isku laayo sida uu yiri wiilal Soomaaliyeed.

Khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo gaaray meel adag ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo gacan ka hadal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc