Xoogag ka tirsan Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta u ruqaansaday furimaha Gobolka Shabellaha Dhexe, si ay uga qayb qaataan hawlgalka ka socdo gobolkaasi ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamadan oo wata tiro gaadiidka dagaalka ah ayaa ka dhaqaaqay Xerada General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa kaabi doona Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo Macawiisleyda ee maalmahaanba gobolkaasi kula dagaalamayay Shabaabka culeyska weyn soo saaray.
Xoogaga Haramcad ayaa u muuqdo in loo baahday, si jawaab adag looga bixiyo maleeshiyada sida aan horey loo arag u soo kubaareysay deegaanadii xorta ahaa ee gobolkaasi.
Shabaabka oo tan iyo 20-kii bishii February kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan gobolkaasi ayaa waxay weeraradooda caqabad ku noqdeen wejiga labaad ee hawlgalka militari ee bartamihii February ka bilowday gobolkaasi.
Xoogaga Haramcad ayaa loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga. Haramcad oo la aasaasay sanadkii 2018 ayaa lagu tababaraa Saldhigga Militariga Turkiga ee Turksom.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogagan ay qaybtood ka hawlgali doonaan deegaanka beerashada ku wanaagsan ee Biyacadde, ka gadaal markii halkaasi ay furin cusub ka furtamay.
Shabaabka ayaa furin dagaal ka furay deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km dhanka bari kaga beegan Magaalada Jowhar.
Shabaabka ayaa Axaddii jihooyin kala duwan ka weeraray deegaankaasi oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Magaalada Jowhar. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaal culus la galay Shabaabkii weerarka soo qaaday, inkastoo maleeshiyadaasi ay u suurtagashay in ay qabsadaan qaybo ka mid ah deegaankaasi. Maleeshiyada ayaa lagu khasbay in ay dib uga gurato, ka dib markii xagga hawada laga garaacay, iyagoona aan ka fogeyn deegaankaasi.
Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bartamihii bishii September ee sanadkii 2023 banneeyay Biyacadde, waxaana taliskooda uu xilligaasi ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka.