Qaybtii labaad ee ka tirsan Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa tododbaadyo gudahood u qalab qaatay jiidaha dagaalka ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamadan oo illaa laba boqol gaaraya ayaa ka dhaqaaqay Xerada General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ee Magaalada Muqdisho.
Ka hor inta aysan u ruqaansan goobta dagaalka ayaa waxaa xeradaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Kuxigeenkiisa General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Xoogaga Haramcad ku booriyay in ay kaalin mug leh ka qaataan hawlgalka uu sheegay in dalka lagaga xoreynayo Al Shabaab.
4-tii bishan March, dhowr boqol oo ka tirsan Xoogaga Haramcad ayaa loo daabulay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, waana wax ka yar laba toddobaad uun ka dib, markii Shabaabku ay qalqalgelin amni ka bilaabeen deegaanadii xorta ahaa ee gobolkaasi.
Ciidamadan ayaa waxay xalay jidka iska sii raaceen boqolaal ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaas oo iyana ku sii jeeda aagagga dagaalka.
Xoogaga Haramcad oo la aasaasay sanadkii 2018 ayaa loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga.
Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayay Saraakiisha Turkiga ku tababaraan Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.
Muqdisho oo xudun u ah hawlgalka Hirshabelle ayaa lagu abaabulay ciidamadii ugu badnaa oo toddobaadyadanba lagu daabulayay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gobolka ayaa waxaa haatan ka hawlgalaya Kumaandooska Gorgor, Danab, Ilaalo Qaran, qaybaha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Ciidanka Gaarka ee Hay’adda NISA iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Barraha bulshada ayaa la is kula wadaagaya in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay Axaddii ku biireen hawlgalka ka socdo Hirshabelle, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta, waxaase la hubaa in Labada Shabelle (Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe) midkood ay ka hawlgalayaan.