Kooxaha fallaagada ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan magaalada istiraatiijiga ah ee Hama, taas isku xirto Caasimadda Dimishiq iyo Xalab ama Aleppo, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Suuriya.
Kooxahan oo Jimcihii weerar ku galay Magaalada Aleppo ayay Sabtidii u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynteeda, iyagoona markaasi ka dib bilaabay inay culeys soo saaraan Magaalada Hama.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay ku sii siqayaan magaalada bartamaha Suuriya ku taala ee Hama, isla-markaana ay iska caabin kala kulmayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxaha taageersan.
Kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo Talaadadii ku durkay magaalada weyn ee Hama ayaa sidoo kale wajahaya duqaymo uga imanaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Suuriya.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dagaal-yahanada ay horkacayaan Hayat Tahrir Al-Sham ay la wareegeen tuulooyin ku yaala dhanka waqooyi ee Hama.
Haddii kooxahan ay qabsadaan Magaalada Hama ayaa waxay kala jari doontaa gurmadkii ciidamada iyo isu socodkii Dimishiq iyo Hama, Hama illaa waqooyi bari ee dalkaasi.
Abu Abdo Al Hamawi oo ka mid ah Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ayaa sheegay inay u socdaan, sidii ay si buuxda ula wareegi lahaayeen magaaladaasi.
Al Hamawi ayaa sheegay inaysan ku hakan doonin Hama, isla-markaana ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Homs.
“Ka dib Hama waxaan aadi doonnaa Homs, ka dibna Dimishiq iyo inta kale ee Suuriya oo la xoreyn doono, Ilaahay idinkii.” Ayuu yiri Al Hamawi.
Weerarkan ayaa baqdin ku keenay bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Suuriya ee degan duleedka galbeed ee Hama.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in dowladdu ay ciidan xoojin ah gaysay aagagga uu ka socdo dagaalka Hama.
SOHR ayaa sheegeysa in Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada ay xulafada yihiin ay qaadayaan weeraro ay isku dayayaan in ay dib ugu qabsadaan dhulka looga qabsaday dagaalkan.
Weerarkan ayaa cadaadiska ku kordhinaya Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad iyo taageereyaashooda Iran iyo Ruushka, oo isku dayaya in la wiiqo kooxaha sida la yaabka leh ay awoodooda u soo noolaatay.
Hama oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn dalkaasi ayaa muddo dheer ku jirtay gacanta Dowladda Suuriya, inkastoo bilowgii dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sanadkii 2011 ay saldhig u ahayd kooxaha Islaamiyiinta.
Tehran iyo Moscow oo garowsan in gulufka militari ee fallaagada uu dhibaato ku yahay jiritaanka dowladda dalkaasi ayaa ka wada shaqeynaya, sidii loo samatabixin lahaa. Labaduba ma doonayaan in meesha laga saaro nidaamka ka arrimiya dalkaasi.
Iran waxay sheegtay inay ciidamo u diri doonto dalkaasi, haddii ay dowladdu soo weydiisato. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa tibaaxay in Tehran ay ka go’an tahay in la difaaco dowladda dalkaasi.
Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu ku booriyay isbahaysiga in la joojiyo weerarada ka imanaya kooxaha argagixisada.
Ruushka, ciidamo dhulka ah kama joogaan dalkaasi, balse kuwiisa cirka ee duqaymaha ku haya kooxaha abaabulan ayaa saldhig weyn ku leh Magaalada Latakia, waana Saldhigga Hmeimim oo ku yaala bariga magaaladaasi.
Awoodda hawlgalada hawada ee Ruushka ayaa horraan Militariga Suuriya ka caawisay inay dib u qabsadaan dhulkii ay fallaagada ku qabsatay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Militariga Suuriya oo garabsanaya maleeshiyada Shiicada ee gobolka, taageerada xagga cirka ee Ruushka iyo caawinta militari ee Iran ayaa keentay in Maamulka Bashar Al Assad uu sanadkii 2020 soo afjaro joogitaankii fallaagada ee inta badan dalkaasi. Fallaagada oo ku uruurtay dhulka waqooyi galbeed ee Suuriya ayaa waxaa halkaasi muddo sanado ah ku ilaalinayay Turkiga. Ankara oo ciidamadeeda ay aag nabdoon ka sameeyeen gudaha xuduudda Suuriya ayaa halkaasi dib u dejin ugu sameysay mallaayiin Suuriyaan ah oo la soo barakaciyay.
Xaaladda waxaad mooddaa in ay ka adag tahay sidii hore, maadaama Ruushku uu hadda dagaal kaga furan yahay dalka Ukraine, halka weerarada Israel ee muddooyinkii u dambeysay ku haysay Ururka Xisbullah ay hoos u dhigtay awooddii militari ee ururkaasi. Xisbullah waxay ahayd xoogga ugu weyn ee Shiicada gobolka ee Iran taageerto ee ka dagaalamaya gudaha Suuriya.
Weerarada rogaal celinta ee fallaagada ayaa astaan u ah duulaankii ugu ballaarnaa ee muddo sanado ah.
Dagaalka oo maanta galay toddobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 600 oo qof, sida ay xaqiijisay SOHR.
“Tan iyo markii uu dagaalkan bilowday 27-kii November, SOHR waxay diiwaangelisay dhimashada 605 qof.” Ayay SOHR ku sheegtay qoraal ay Arbacadan soo saartay.
SOHR ayaa xustay in dadka dhintay ay isugu jiraan garabyada dagaalamaya iyo dad shacab ah, iyadoona tirada dhimashada rayidka ku sheegtay 107 qof.