Home Dhacdooyin Xoogaga Macawiisleyda oo ku wanaagsan la dagaalanka Al Shabaab

Xoogaga Macawiisleyda oo ku wanaagsan la dagaalanka Al Shabaab

by Laacib

Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa door weyn ka qaadanaya hawlgalka ka socdo Gobolka Hiiraan, si la mid ah wejigii koowaad ee hawlgalkii lagu qabtay deegaanada bariga gobolkaasi ee ay maleeshiyada Al Shabaab ku sugneyd.

Wejiga labaad ee hawlgalka oo laba toddobaad ka hor ka bilowday gobolkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay kula wareegeen deegaano uu ka mid yahay deegaanka Beera-yabaal. Ciidamada ayaana ku guuleystay in ay isku furaan waddada Degmada Halgan iyo Beera-yabaal.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in isu socodka waddada uu yahay mid ammaan ah, lagana fogeeyay Shabaabkii horey ugu sugnaa.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dib u bilowday mushaaraadkii iyo gunnooyinkii la siinayay Macawiileyda, haddii ay muhiim u yihiin hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo dib boorka uga jafay hawlgalka ka soconaya gobolkaasi ayaa waxay mar kale Macawiileyda ku sii jeediyeen la dagaalanka Al Shabaab.

Taliska Militariga ayaa rasaas fara-badan siiyay Macawiisleydii horey loo diiwaangeliyay, halka uu hub siiyay kuwo cusub oo la qoray iyo qaar kale oo qoryo la’aan ay soo wajahday, sabab kastaba haku timaadee. Taliyaha Militariga iyo Agaasimaha NISA ayaa tallaabadan qaaday, ka dib muddo uu hawlgalku hakad ku jiray, isla-markaana ay kordheen isku dhacyada beelaha ee deegaanada Hirshabelle. Hadafka ayaa u muuqdo mid lagaga hortagayo in Macawiisleyda ay ku dhex milmaan dagaal beeleedyada, loogana faa’iideysto hawlgalka dib-u-xoreynta.

Macawiisleyda kale ee Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ayaa hadda loo dhameystirayaa qalabka ay u baahan yihiin, iyagoo qayb ka noqonaya hawlgalada la damacsan yahay in goboladaasi ay dib uga bilowdaan.

Ciidanka Difaaca Shacabka waa ciidan deegaanka ah, waana dadka deegaanka oo geed geed u garanaya dhulka la doonayo in Al Shabaab laga saaro.

Macawiisleyda ayaa horey u soo jiitay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Militariga, waxaana wejigii koowaad ee hawlgalka laga bartay in marka ciidamada iyo shacabku wadajiraan uu ka khasaare yar yahay dagaalkii ay ciidamada muddada dheer ku keliga ahaayeen.

Faallooyinka dadka qalinka adeegsada ayaad ka arki kartaa in marka dadka deegaanka la abaabulo uu hawlgalku aad uga wanaagsan yahay, kolka ciidamada oo keliya ay dagaal gelayaan.

Xoogaga deegaanka ayaa hormuud u ahaa wejigii koowaad ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Dhexe amaba labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Awooddii Al Shabaab ee bartamaha dalka ayaa la sheegaa in si weyn loo wiiqay sanadkii 2023, inkastoo uu hawlgalku hakaday sanadkii xigay ee 2024, sababo la xiriira Villa Somalia oo ka sii jeedsatay ololihii militari ee lagu la dagaalamayay.

Shabaabka oo ka faa’iideystay hakadka ku yimid hawlgalka ayaa dib ugu soo laabtay deegaanada qaar ee Gobolada Dhexe, waana wax Shabaabka looga bartay in ay dib u soo laba kacleeyaan, mar kasta ay hawlgaladu istaagaan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda wada qaabeynta iyo qorsheynta istiraatiijiyadda ay tahay in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc