Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam ayaa Isniintii soo bandhigay gantaal nooca lidka taangiyada ah, kaas oo aan Ururka Xamaas looga baran.
Guutooyinka Al Qassam ayaa durbaba bilaabay in gantaalka ATGM ay ku weeraraan gaadiidka ay wataan Ciidamada Israel ee hawlgalka ka wada deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Xafiiska Warbaahinta Al Qassam ayaa sheegay in xoogagooda ay ATGM ku garaaceen gaariga gaashaaman ee Ofek, xilli uu dhex marayay xaafadda Tal Za’arab ee koonfurta Rafah.
Xafiiska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in gaarigu uu dab qabsaday, ka dib markii lala helay gantaalkaasi.
Al Qassam ayaa waxay sheegtay in tijaabadii ugu horreysay ee gantaalkan lagu guuleystay.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Xoogaga Al Qassam ay u adeegsadaan taangiyada Ciidamada Israel ee gudaha ugu jira Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Ku dhawaaqista naadirka ah ayaa calaamad u ah in kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay haystaan hub kale oo si sax ah u burburin kara kolonyada Ciidamada Israel, marka laga soo taggo gantaalka garab laga tuuro ee Al-Yassin 105, oo muddadii uu dagaalku socday ay ku gubeen boqolaal ka mid ah gaadiidka Militariga Israel.
Gantaalaha la haggo ee ATGM ayay Xamaas u muuqataa mid ay ku xakameynayso dhaqdhaqaaqa taangiyada Ciidamada Israel.
Gantaalaha ka hortagga taangiyada ee ATGM ayaa loogu talagalay in lagu la dagaalamayo gaadiidka gaashaaman.
Gantaalahan ayaa waxay ku kala duwan yihiin cabirka hubka garabka laga rido oo uu qaadi karo hal askari, nooc kalena waxa uu leeyahay saddex geesood oo lagu fariisiyo, kaas oo u baahan dhowr qof, si ay salka ugu dhigaan, ka hor inta aan loo adeegsan ujeedooyinka weerarada. Mararka qaarkoodna waxaa gantaalahan loo adeegsadaa nidaamka difaaca hawada.