Home Wararka Caalamka Xoogaga Xisbullah oo hadaf ka dhiganaya Haifa iyo barakac ka socda

Xoogaga Xisbullah oo hadaf ka dhiganaya Haifa iyo barakac ka socda

by Laacib

Xisbullah ayaa is daba joog ah u garaaceysa magaalada waqooyiga Israel ugu weyn ee Haifa, xilli uu xoogeysanayo dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.

Ka dib markii Israel ay 1-dii bishan ku dhawaaqday inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka sameynayso deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan ayay Xisbullah joogteysay gantaalada ay ku harqineyso waqooyiga Israel.

Inkastoo magaalooyinka kale ee waqooyiga Israel ay ka socdaan duqaymuhu, haddana Xisbullah ayaa waxay u muuqataa inay si gaar ah u beegsaneyso magaalada warshadaha leh ee Haifa.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xisbullah ay maanta oo keliya ay illaa 50 gantaal ku weerareen magaalada dekedda leh ee Haifa, duqaymuhuna ay weli socdaan.

Seeriga digniinaha ayaa si aan kala joogsi lahayn looga maqlaya magaalada, iyadoo ayna jiraan gantaalo gudaha ugu soo dhacay magaaladaasi.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in sagaal qof ay ku dhaawacantay duqaymaha ka dhacay Haifa iyo nawaaxigeeda.

Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada maanta ka dhacay waqooyiga Israel.

Wargeyska Israel ee Hayom ayaa sheegay in nin Israeli ahaa uu ku dhintay duqayn ka dhacday Magaalada Acre, ka dib markii gaarigii uu watay uu gantaal ku haleelay agagaarka Isgoyska Na’aman.

Qof kale ayaa la sheegay in dhaawac dhexdhexaad ah uu ka soo gaaray weerarka, loona qaaday xarun caafimaad oo ku taala Galilee.

Gantaalada Xisbullah ee aan bartilmaameedkoodu seegeynin ayaa burbur ka gaysanaya Haifa, tanina waxay cabsida ku kordhisay Israeliyiinta la deegaameeyay ee ku nool waqooyiga Israel.

Cabsida sii kordheysa ayaa waxay waddo u furtay in dadka degan Haifa ay isaga cararaan magaalada, ayna badbaado u raadsadaan bartamaha Israel.

Wararka ayaa sheegaya in barakaca aanu ku koobneyn Haifa oo keliya, balse sidoo kale ay Israeliyiintu ka yaacayaan magaalooyinka kale ee waqooyiga Israel.

Shacabka Israel ayaa noqday kuwo baqdin la nool ah, xilligan oo ay arkaan in xaaladdu ay faraha ka sii baxeyso, diblomaasiyadduna aanay shaqeyneyn.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe biden ayaa Jimcihii sheegay in ay suurtagal tahay in xabad joojin laga sameeyo colaadda Israel iyo Lubnaan, balse ay ku adkaan doonto in laga hirgeliyo Gaza, sababtu tahay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ku adkeysanaya inaanu weli dhammaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas, ka dib dilkii Yahya Sinwar.

Khamiistii, Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dilka Sinwar uu abuurayo fursad ay dhici karto in xabad joojin laga sameeyo Gaza, balse Netanyahu ayaa ku gacan seyray, sheegayna inaanan la gaarin dhammaadka dagaalka.

Xisbullah waxay wacad ku martay haba yaraatee inaysan joojin doojin dagaalka ay kula jirto Israel, inta uu socdo weerarada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan.

Xisbullah ayaa xabad joojinta Lubnaan ka hormarineysa tan Gaza, haddii ay dagaalkan ugu soo biirtay, sidii xabad joojin looga dhaqangelin lahaa Marinka Gaza.

Lama garanayo waxa uu ku soo idlaan doonto dagaalka Bariga Dhexe, haddiise uu sidaan ku sii socdo ay dadka gobolka qaarkood ka dhaxli doonaan cawaaqib ba’an.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc