Home Wararka Caalamka Xoogaga Xisbullah oo jug u gaystay Ciidamada Israel

Xoogaga Xisbullah oo jug u gaystay Ciidamada Israel

by Laacib

Xoogaga Xisbullah ayaa diyaarad drone ahayd ku weeraray saldhig militari, oo Ciidamada Israel ku leeyihiin Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto, iyadoona uu jiro dhaawac badan oo Ciidamada Israel ka soo gaaray weerarkaasi.

Diyaaradda weerarka loo adeegsaday oo ahayd drone-ta is qarxisa ayaa gelinkii dame ee Axaddii lagu weeraray Ciidamada Israel ee fariisimaha ku leh xadka Buuraha Golan.

Wararka ayaa sheegaya in qarax weyn oo diyaaraddu sameysay uu burbur ka soo gaaray saldhigga ay degan yihiin Ciidanka Difaaca Israel.

Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa ku waramay in 18 askari ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, oo mid ka mida ay xaaladdiisu liidato.

“Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ka timid dhanka koonfurta Lubnaan ayaa ku qaraxday saldhigga.” Ayuu baahiyay raadiyaha.

Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xoogageeda ay bartilmaameedsadeen Taliska Guutada 91aad ee waqooyiga Israel.

Xisbullah waxay sheegtay in Israel ay qarineyso khasaaraha dhabta ah ee ciidamadeeda ka soo gaaray weerarkaasi.

Khasaaraha ay haatan Israel qiratay ayaa noqonaya kiisii ugu badnaa ee ciidamadeeda ka soo gaara goob qura, tan iyo 8-dii bishii October oo xiisadda kala dhaxeysa Xisbullah ay soo cusboonaatay.

Deegaanada xuduudda ee labada dal ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanayay weerarada ay isu gaysanayaan Israel iyo Xisbullah.

Kor u kaca weerarada ka socda xadka labada dhinac ayaa xoojinaya dareenka cabsida ee ku aaddan in dagaalka Marinka Gaza uu halis ku yahay inuu ku fido gobolka.

Xisbullah oo xulafo la ah Xamaas ayaa ku celcelisay inaysan joojin doonin duqaymaha ay ka waddo waqooyiga Israel, illaa iyo inta ay ciidamadeeda ka soo afjarayaan weerarada ay ku hayaan Gaza.

Xiisadda Xisbullah iyo Israel ayaa u muuqato mid faraha ka sii baxeyso, iyagoo ayna ku dhawaanayaan dagaal buuxa.

Baaqyada caalamiga ah ee loo jeedinayo labada dhinac ayaa lagu xusuusinaya cawaaqibka uu gobolka ku yeelan karo, haddii ay u jiheystaan dagaal weyn.

Dagaalkan ayaa la aaminsan yahay inaysan dibadda ka joogi doonin dhinacyada la kala safan Israel iyo Xisbullah, waana sababta looga dalbanayo in ay is xakameeyaan.

Khubarada ayaa qaba in dagaalkoodan uu xitaa ka gudbi karo xeendaabka Bariga Dhexe, isla-markaana uu saameynayo meelo badan oo dunida ka mid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc