Toddobo qof ayaa lagu dilay weeraro gantaal oo Xoogaga Xisbullah ay maanta ka gaysteen waqooyiga Israel, iyadoo dagaalka xuduudda uu sii socdo.
Shan qof ayaa la sheegay inay ku dhimatay gantaalo ku soo dhacay magaalada xuduudda ku taala ee Metula, sida uu xaqiijiay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, ninka lagu magacaabo Israel Katz.
Wasiirka ayaa sheegay in dadkan ay isugu jiraan Israeli beeraley ah iyo afar ajaaniib ah oo beeraha ka shaqeynaysay. Dadkan ayaa weerarka la kulmay, iyagoo ku sugan dhul beereed, waxayna ka mid yihiin dadka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaanada waqooyiga Israel ee dhaca xuduudda.
Shaqaalaha ambalaasyada ayaa sidoo kale sheegay inay meel u dhow deegaanka Kibbutz Afek ee duleedka magaalada dekedda leh ee Haifa ka qaadeen meydadka haweeney 60 jir ahayd iyo nin qiyaastii 30 jir ahaa.
Hay’adaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in dadkan ay ku dhinteen gantaalo ka soo dhacay dhinaca koonfurta Lubnaan.
Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay gantaalo ku harqisay deegaanka Krayot ee waqooyiga Haifa iyo Ciidamada Israel ee gudaha u soo galay deegaanka Khiam ee koonfurta dalkaasi Lubnaan.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Israel ayay markii ugu horreysay ay Arbacadii u suurtagashay inay galaan qayb ka mid ah deegaanka xuduudda saaran ee Khiam, halkaas oo Xisbullah ay duqayn culus ku hayso, waana Khiam oo xad la leh Magaalada Metula ee Israel.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay ku sugan yihiin bariga Khiam, isla-markaana ay isku dayayaan in halkaasi ay difaac ka sameystaan, iyagoo la dhibaatoonaya duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Xisbullah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xisbullah ay isku dayeyso inay kala jarto gurmadka Ciidamada Israel ee Khiam iyo Metula, taas oo adkeysaneysa inay halkaasi sii joogaan.
Waa markii ugu horreysay oo Ciidamada Israel ay u suurtagasho inay 24 saac oo xiriir ah ku sugnaadaan meel ka mid ah deegaanada xuduuda ee koonfurta Lubnaan, tan iyo markii uu dagaalku xuduudda bilowday, 1-dii bishan dhammaadka ah ee October.
Ciidamada Israel oo dhowr jeer gudaha u soo galay deegaanada xadka koonfureed ee Lubnaan ayayna u suurtagelin inay ku sii nagaadaan, ka dib hujuum ka soo fuulay dhanka Xisbullah oo keentay inay dib uga soo gurtaan.
Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ayuu dagaal culus ku dhex marayaa deegaanada labada dal ee xuduudda saaran.
Taliska Militariga Israel ayaa riixaya in ciidamadooda ay fariisamo ka sameystaan dhulka xuduudda ee Lubnaan, iyadoo halkaasi laga fogeynayo Xisbullah.
Si kastaba ha-ahaatee Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in toddobada qof ee lagu dilay waqooyiga Israel ay noqonayso khasaarihii ugu badnaa ee Xisbullah ka gaysato gudaha Israel, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.