Xoogaga Ururka Xuuthiyiiinta ayaa xalay gantaal ballaastik ah ku weeraray Israel saacado ka dib, markii Wasiir Israeli ah uu ku hanjabay inay dili doonaan Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi.
Israeliyiinta ayaa hurdada kaga soo kacay dhawaqa seeriga digniinaha oo is qabsaday bartamaha Israel, oo ay ku jirto magaalada weyn ee Tel Aviv. Israeliyiinta ayaa si degdeg ah gabaad ugu raadsaday godadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.
Qaarkood ayaa ku hoyday waddooyinka, si haddii ay dib u maqlaan dhawaqa seeriga ay ugu cararaan goobaha amniga.
Militariga Israel ayaa sheegay in gantaalka la soo riday, ka hor inta aanu soo gelin hawada Israel.
Militariga ayaa sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay gantaalka, balse firirkiisa oo ku soo dhacay gudaha Israel ay gaysteen burbur aan badneyn.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay inaysan helin wax wicitaano toos ah oo ku saabsan dad ku dhaawacmay weerarka.
“Laakiin waxaa jira tiro dad ah oo laga daweynayo dhaawacyo fudud oo ka soo gaaray, iyagoo u cararaya goobaha amniga.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Adeegga MDA.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in gantaalka uu sidoo kale sababay hakad ku yimid shaqadii Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion, muddo koobana la hakiyay diyaaradihi imaanayay iyo kuwii kale ee ka baxayay garoonkaasi, cabsi laga qabo inuu weerar ka dhaco garoonka ugu weyn ee Israel.
Weerarka ayaa ku soo aadaya, ka dib markii Wasiirka Tamarta Israel, Eli Cohen uu ku hanjabay inay ka takhalusi doonaan Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.
Xuuthiyiinta ayaa drones iyo gantaalada nooca guuxooda ka dheereeya ku garaacaya Israel, iyagoo sidoo kale weeraro ku haya maraakiibta mareysa Badda Cas ee ku wajahan Dekedaha Israel.
Weeraradan ayay sheegeen inaysan joojin doonin, illaa ay Israel ogolaato xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, lana qaado go’doominta saaran.