Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaalo ballaastik ah ku weeraray Israel

Xoogaga Xuuthiyiinta oo gantaalo ballaastik ah ku weeraray Israel

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa goor dhow sheegay in ay laba gantaal oo nooca ballaastikada ah ku weerareen bartamaha Israel.

Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa caawa fiidkii laga maqlay magaalooyin ay ku jirto Tel Aviv. Tel Aviv waa magaalada ugu weyn ee Israel.

Israeliyiinta ku nool Tel Aviv oo muddooyinkan colaad u joog noqday ayaa la sheegay in ay si degdeg ah ku raadsadeen goobaha amniga ee gantaalada laga galo, waana markii labaad saacado gudahood ay ku cararaan godadka dhulka hoostiisa laga sameeyay. Mar sii horreysay oo maanta ah Xamaas ayaa tiro gantaalo ah ku weerartay Tel Aviv, iyadoo Israel xuseyso sanad guurada 1aad ee weerarkii 7-dii October.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Yemen ay gantaalaha ballaastikada ah ku garaaceen bartilmaameedyo militari oo ku yaala aagga Jaffa ee Tel Aviv.

Xuuthiyiinta ayaa warkan sheegay wax yar uun ka dib, markii Militariga Israel uu sheegay in nidaamka difaaca hawada Israel ee Arrow uu soo riday gantaal ballaastik ah oo laga soo tuuray dalka Yemen.

Militariga ayaa qoraal ku sheegay in gantaalka gantaalaha ka hortaga ee Arrow loogu talagalay in uu hawada kaga hortago gantaalada ballaastikada ah.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi oo jeediyay khudbad uu ugu talagalay sanad guurada 1aad ee weerarkii Xamaas sanad ka hor ku qaadday dhulka ay Israel maamusho ayaa ku celiyay in shacabka Yemen aysan ka laaban doonin garab istaagooda walaalahooda Falastiin.

Abdul-Malik Al Houthi ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ku sii jeeda Dekedaha Israel iyo gantaalaha kale ee sida tooska ah loogu weerarayo dhulka Israel, isagoona sheegay in weerarada ay joojin doonaan oo keliya, marka ay Israel soo afjarto dhiigga ay daadineyso.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa door weyn ka qaadanaya xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe ee lagaga soo horjeedo weerarada ay Israel ku hayso Gaza iyo colaadda ay xilligan ku ballaarisay dalka Lubnaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc