Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda gantaal nooca ballaastikada ah, oo lagu weeraray Magaalada Eilat ee ay Israel horey uga qabsatay Falastiiniyiinta.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in gantaal cusub oo dhawaan la daahqaaday, looguna magac-daray (Falastiin) ay markii ugu horreysay tijaabo ahaan ugu weerareen dhulka laga xoogay sida uu sheegay Falastiin.
“Ciidanka Gantaalada Yemen oo ka jawaabaya duulaanka Sahyuuniyadda ee dadka Rafah ayaa waxay gantaal cusub oo ballaastik ah ku weerareen Magaalada Umm Al-Rashrāsh (Eilat) ee laga xoogay Falastiin.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay beegsadeen goob militari oo ku taala magaaladaasi, isla-markaana ay guul ka gaareen hadafkoodii bartilmaameedka.
“Gantaalkan oo lagu magacaabo Falastiin ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo aan tijaabino, guul ayuuna ku soo dhammaaday.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada noocaan oo kale ah, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Marinka Gaza iyo go’doominta ay ku hayso.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ciidanka Difaaca Israel ee ku sugan Eilat ay xalay soo rideen gantaal nooca ballaastikada ah, kaas oo ka yimid jihada Badda Cas.
Dhawaqa digniinaha ayaa laga maqlayay magaaladaasi, ka dib markii sida la sheegay uu gantaalka masaafo yar u soo jirsaday magaalada dekedda leh ee Eilat.
Taliska Militariga Israel ayaan wax war ah ka soo saarin gantaalkaasi iyo haddii uu waxyeelo gaystay. Israel ayaan looga baran inay faah faahiso khasaaraha ay gaysanayaan weerarada kaga imanaya Xuuthiyiinta Yemen iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu dambeeyay ee ay Xuuthiyiinta ka gaystaan dhulka ay Israel maamusho, oo billihii ugu dambeeyay ay ku weerarayeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Xoogaga Xuuthiyiinta oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa bishii November bilaabay in ay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.
Horaan, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa ku hanjabay in ay go’doominayaan Dekedaha Israel, iyaga oo Tel Aviv ku cadaadinaya in ay joojiso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.
Xuuthiyiinta ayaa bishii January bilaabay in ay beegsadaan maraakiibta kale ee laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, taas oo jawaab u ah duqaymaha isbahaysiga Mareykanka ay ka gaysanayaan dalkaasi Yemen.
Mareykanka ayaa bishii December aasaasay isbahaysi cusub, oo sida ay sheegeen la dagaalama weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Dalalka kale ee isbahaysiga ayaan Mareykanka kala qayb qaadan hawlgalka xagga cirka ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta, marka laga soo taggo Ingiriiska oo ku dhiiraday in weeraradaasi uu kala qayb qaato.
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weerarada ay Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.