Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa xalay sheegay in ay Isniintii qaadeen saddex hawlgal, oo ay ku bartilmaameedsanayeen maraakiibta, iyadoo mid ka mid ahna ay iska kaashadeen kooxaha wax iska caabinta Ciraaq.
Afhayeenka ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Yemen ay markabka BENTLEY ku weerareen saddex doomood, diyaarado drones ah iyo gantaalaha ballaastikada, xilli uu ku socdaalayay Badda Cas, mana sheegin haddii uu khasaare ka soo gaaray markabka.
Afhayeenka oo ka soo muuqday telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Yemen ay si toos ah u garaaceen markabka saliidda qaada ee CHIOS Lion, mar uu ku gooshayay Badda Cas, iyadoo la adeegsanayo doomo ku raran walxaha qarxa.
Waxa uu sheegay in labadan markab ay jebiyeen awaamiirtii ay ka soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Israel ee laga haysto Falastiin.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa xaqiijisay in Isniintii ay laba weerar oo kala duwan ka dhaceen Badda Cas.
UKMTO ayaa qoraal ku sheegtay in markab ganacsi oo marayay meel 97 nautical miles waqooyi galbeed ka xigta Magaalada hudaydah uu la kulmay weerar, uuna jiro khasaare soo gaaray markabkaasi, balse ay badqabaan shaqaalihii la socday, markabkana uu awooday in safarkiisa uu sii wato.
Markabka nooca booyadaha ee CHIOS Lion ayaa loo maleynaya in uu yahay kan ay waxyeelada soo gaartay, iyadoo uu watay Calanka Liberia, halka kan ka horreyay ee BENTLEY uu isna watay Calanka Panama, labaduba waa nooca saliidda qaada.
Dhanka kale Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarka saddexaad oo ka dhacay Badda Mediterranean-ka ay iska kaashadeen iyaga iyo kooxaha Ciraaq, isla-markaana ay beegsadeen markabka shixnadaha ganacsiga qaada ee OLIVIA.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in hawlgalkaasi oo guuleystay sida uu yiri laga gaaray hadafkii laga lahaa.
Kororka weeradada Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ayaa jawaab u ah xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza iyo go’doominta daran ee ay ku hayso.
“Sii socoshada gardarrada Maamulka Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah dadka reer Gaza, keliya waxay ku riixi doontaa dadka Yemen, ciidamadooda iyo hoggaankoodaba inay fuliyaan hawlgalo dheeri ah, oo lagu taageerayo shacabka Falastiin.” Ayuu yiri Yahya Saree.
Saree ayaa ku celiyay in weerarada Yemen ay joogsan doonaan oo qura, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza, isla-markaana ay ka qaadeyso go’doominta saaran.