Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa fulinaya istiraatiijiyadda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee diiradda lagu saarayo in la xiro xuduudaha Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa hadda xiray qaar ka mid ah xuduudaha furan ee gobolkaasi, iyagoo inta kalena ku guda jira, sidii ay amnigooda ula wareegi lahaayeen.
Xoogaga Macawiisleyda ee lagu abaabulay deegaanka xuduudda ku yaala ee Xalfooley ayaa la sheegaya in la dhigay waddada halkaasi marta. Xalfooley waxay ka mid ah deegaanada kala qaybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xoogagan ayaa sidoo kale xiray waddada deegaanka Qoryaale ee duleedka Degmada Jalalaqsi, taas oo ka mid ah meelaha la isaga gudbo labada gobol ee Hirshabelle.
Xoogaga reer Jalalaqsi ee la abaabulay ayaa si buuxda gacanta ugu haya ammaanka waddada xadka ee Qoryaale. Marinkan ayaa muhiim u ahaa isu socodka maleeshiyada Al Shabaab.
Isla Hiiraan, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa lagu soo daadiyay waddada ka baxda Degmada Moqokori ee tagta deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa isku fidinaya dhulka hawdka ee u dhaxeeya Ceel Cali Axmed iyo Degmada Alkowsar, si ay halkaasi uga soo xiraan waddada hawdka ee aadda dhinaca Gobolka Hiiraan.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Gobolka Shabellaha Dhexe ka soo xiray waddada marta hawdka galbeed ee Degmada Ceelbaraf. Waddadan ayaa isku xirto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyadoona xitaa ay waddadan u furan tahay Gobolada Koonfureed.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goor sii horreysay ciidamo dhigay jidka jayga ee duleedka Degmada Ceelbaraf, kaas oo ku yaala bar saddex xagal ah oo kulmisa Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidamada ayaad arkaysaa in ay goobo kala duwan kaga sii fidayaan xuduudaha gobolkaasi, si Shabaabka ku sugan aysan wax gurmad ah uga helin bannaanadiisa.
Dhammaan ciidamada ayay tahay in ay ka hortaggaan gurmadka maleeshiyada Al Shabaab uga iman kara Gobolada Koonfurta & Bartamaha.
Istiraatiijiyadda militariga ayaa u muuqato mid marka hore lagu xaqiijinayo ammaanka xuduudaha gobolka, ka hor inta aysan ciidamadu dib u bilaabin gulufka Shabaabka lagaga saarayo deegaanada dhaca hareeraha Webiga Shabelle.
Xiritaanka xuduudaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayuu militarigu u arkaa inay hoos u dhigi doonto weerarada aan horey loo arag ee ay Shabaabka labadii toddobaad ee ugu dambeysay ka wadeen gobolkaasi, meelaha qaarkoodna ay ku qabsadeen deegaano xor ahaa.
Masuuliyiin uu ugu sarreyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolkaasi ayaa juhdi badan ku bixinaya, sidii ciidamadu ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda ku aaddan in la soo afjaro joogitaankii Al Shabaab ee deegaanada Hirshabelle.
Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, waxaase hawlgalka carqaladeeyay, sida la yaabka leh ee ay Shabaabku isugu soo fidiyeen deegaanadii ka baxsanaa gacantooda.