Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo dhegaha ka fureysatay hanjabaaddii Netanyahu & weerar kale oo Israel ku qaadeen

Xuuthiyiinta oo dhegaha ka fureysatay hanjabaaddii Netanyahu & weerar kale oo Israel ku qaadeen

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa goor dambe oo xalay ahayd gantaal ballaastik ah ku weeraray Israel, iyagoona waxba kama jiraan ka soo qaaday hanjabaaddii ugu dambeysay ee ka soo yeertay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa laga maqlay Magaalada Qudus (Jerusalem) iyo deegaanada la haysto ee ku xeeran Badda Dhimatay.

Militariga Israel ayaa sheegay inay soo rideen gantaal laga soo tuuray dalka Yemen, kaas oo ay sheegeen inay soo tuureen Xoogaga Xuuthiyiinta.

“Ciidanka Cirka ayaa soo riday gantaalka, ka hor inta uusan soo gaarin hawada Israel.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Militariga.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradoodu aysan joogsan doonin, illaa ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza, ayna qaaddo go’doominta ay ku hayso.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa wacad ku maray inaysan weerarada ka joojin doonin Israel, inta ay daadineyso dhiigga dadka Gaza, kaalmada bani’aadantinimadana ay u diidan tahay.

Al Houthi ayaa sheegay in Israel aanay haysan xal kale aan ka ahayn inay soo afjarto duulaankeeda Gaza iyo go’doominta saaran.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya, iyadoo ay kordhayaan weerarada hawada ee ay labada dhinac is weydaarsanayaan, Raysal Wasaaraha Israel-na uu ku hanjabay inay wiiqi doonaan Xuuthiyiinta Yemen.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maamulkiisu uu qaadayo weeraro ballaaran oo ka dhan ah Ururka Xuuthiyiinta.

“Hadda ayaan iyagu ku bilaabaynaa weerarada.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo Xuuthiyiinta ku tilmaamay shar ku horgudban Israel.

“Ujeedada Israel ee Yemen waa ciribtirka argagixisada Xuuthiyiinta, wayna sii socon doonaan weeraradeenna.” Ayuu yiri Netanyahu oo ku goodiyay inaysan qabyo uga tagi doonin, waxa uu ku sheegay hawlgalka burburinta.

Taliyaha Ciidanka Cirka Israel, General Tomer Bar ayaa sheegay in Tel Aviv ay illaa iyo hadda qayb yar oo awooddeeda militari ah u adeegsatay Xuuthiyiinta, wax badana ay awoodaan, sida uu yiri.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Yemen iyo shacabkeeda aysan khuseyn hanjabaadaha isa soo taraya ee uga imanaya Tel Aviv.

Mohammed Al Bukhaiti oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in shacabka Yemen ay ka go’an tahay in la sii wado hawlgalada militari ee lagu taageerayo shacabka Falastiin, illaa ay Israel ogolaato xabad joojin ka dhacda Gaza iyo inay soo afjarto go’doominta muddada badan saaran.

Boqolaal kun oo Yemeniyiin ah ayaa Jimcihii shalay magaalooyin ay ka mid tahay Sanca ka dhigay bannaanbax lagu xoojinayo is garabtaaga dadka reer Gaza.

Israel ayaa u muuqato inaysan diyaar u ahayn in ay dhageysato dalabaadka ay Xuuthiyiinta kaga dalbanayaan inay joojiso weerarada aan kala sooca lahayn ee ay ka waddo Gaza, isla-markaana ay aqbasho in gargaarka iyo ganacsigaba ay si xor ah u galaan dhulka go’doonsan.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc