Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay dardargelinayaan hawlgaladooda militari ee ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin ee ku nool Marinka Gaza.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay in weeraradooda ay hadda uun bilow yihiin, cadowguna uu wajahi doono weeraro cusub.
Hoggaamiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay Telefishinka Al Masirah ku sheegay in inta Israel ay gumaadka ka waddo Gaza ay iyana sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan gudaha Israel iyo maraakiibta mareysa Badda Cas ee laga leeyahay Mareykanka iyo Israel.
“Waanu sii wadi doonnaa is hortaagga aynu ku hayno Mareykanka oo gacan siinaya cadowga Israel, isaga oo ilaalinaya, kuna taageeraya gardarrada ka dhanka ah Falastiin iyo shacabkeenna.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa sheegaya in markabka diyaaradaha xambaara ee USS Harry S. Truman uu ku jiro xaalad baacsi ah oo joogta ah, ka dib markii ciidamadiisu ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa Jimcihii weerar cusub ka gaystay bartamaha Israel, kaas oo ah weerarkii ugu dambeeyay ee ay la beegsadaan Israel.
Militariga Israel ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ka timid jihada Yemen.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weerareen saldhig militari oo ku yaala Magaalada Tel Aviv, iyadoo la adeegsanayo diyaarad drone ah. Waxa uu intaasi ku daray in uu hawlgalkaasi guuleystay, isla-markaana ay si sax ah u garaaceen saldhigaasi.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Yemen ay dab saareen markabka weyn ee USS Harry S. Truman, xilli uu ku sugnaa Badda Cas, kaas oo uu sheegay in marba meel uu u cararayo.
Yahya Saree ayaa sheegay in markii labaad ay noqoneyso oo weerar culus ay ku qaadaan markabkaasi, 24-kii saac ee u dambeysay.
Khubarada amniga ayaa ka marqaati kacaya in Xuuthiyiinta ay u muuqdaan kuwo sii kordhinaya weeraradooda, ka dib saddex toddobaad oo Mareykanka uu duqayn ku hayay dalka Yemen.
Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay, iyagoo qiraya in awoodda Xuuthiyiinta ay weli tahay mid taagan.
Mareykanka ayaa 15-kii bishii March bilaabay in uu xagga cirka ka garaaco dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, si Xuuthiyiintu aysan caqabad ugu noqon Israel oo markaasi u diyaargaroobeysay inay dib u soo celiso weeraradeedii Gaza, ka dib ku dhawaad laba bilood oo xabad xoojin ah.
Ururka reer Yemen ayaa dalbanaya in Israel ay si buuxda u soo afjarto weeraradeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza iyo is hortaagga ay ku hayso gurmadka bani’aadantinimo, haddii la waayana aysan Israel heli doonin wax ammaan ah, isla-markaana ay cunaqabateynayaan.
Tan iyo intii Xuuthiyiinta ay dib u bilaabeen weeraradooda ku wajahan Israel iyo hawlgalkooda militari ee Badda Cas ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay maraakiibtii ganacsi ee tageysay Dekedaha Israel.
Xuuthiyiinta ayaa illaa iyo hadda ah garabka militari ee keliya ee ay haystaan Falastiiniyiinta, waana xoogaga reer Yemen oo maanta meel uga soo baxay Falastiiniyiinta dulman muddada dheer.