Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa saqdii dhexe ee xalay gantaal ku weeraray dhulka Israel, saacado ka dib markii Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen uu ku dhawaaqay inay si buuxda u garab taagan yihiin Ururka Xisbullah.
Seeriga digniinaha ayaa laga maqlay bartamaha Israel, iyadoo shacabku ay gabaad u doonteen godadka amniga ee dhulka hoostiisa laga sameeyay.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in abaarihii 12:40am ee habeen bar dhawaqa digniinaha gantaalada laga maqlay magaalooyin ay Tel Aviv ka mid tahay.
Seeriga ayaa laga shiday dhammaanba magaalooyinla bartamaha Israel, xilli inta badan dadku ay hurdeen.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in nidaamka difaaca hawada ee Arrow uu ka hortegay gantaalka laga soo tuuray dhinaca dalka Yemen.
Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom ayaa sheegay in ay gurmad u fidiyeen gabar 17 jir ah, taas oo lagu dhuftay gaari ka baxay waddada, intii uu socday weerarka gantaalka ee laga soo tuuray Yemen.
Adeegga Ambalaasyada ee MDA ayaa sheegay in gabadha uu soo gaaray dhaawac dhexdhexaad ah. Gabadhan ayaa la sheegay inay shilka la kulantay, xilli ay ku carareysay goobta gabaadka ee gantaalada laga galo.
Dhanka kale qoraal ka soo baxay Ururka Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree uu saacadaha soo socdo ka warbixin doono weerarka iyo nooca gantaal ee ay adeegsadeen.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa xalay fiidkii ku hanjabay in ay ka jawaabi doonaan gardarrada Israel ee ka dhanka ah Gaza iyo Lubnaan.
15-kii bishan ayay ahayd, markii Xoogaga Xuuthiyiinta ay gantaal kuwa guuxooda ka dheereeya ay ku weerareen bartamaha Israel.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa xilligaasi sheegay in gantaal Hypersonic ah ay la beegsadeen saldhig militari oo Ciidamada Israel ay ku leeyihiin nawaaxiga Jaffa ee Tel Aviv, waana markii ugu horreysay oo ay adeegsadaan sida uu sheegay gantaalaha guuxooda ka dheereeya.