Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu ka qayb qaatay weeraradii xagga cirka ee ay Israel saakay ka gaysatay dalka Yemen.
Mohammed Al Bukhaiti oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa ku dooday in Mareykanka iyo Israel oo wada socda ay duqeeyeen kaabeyaasha rayidka ee dalkaasi.
“Duqaymaha Mareykanka iyo Israel ay u gaysteen xarumaha korontada, saliidda iyo Dekedda Saleef waxay muujineysaa runta ku saabsan munaafaqnimada reer galbeedka, waxayna beenineysaa dhammaan sheegashooyinkooda bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Mohammed Al Bukhaiti. Xuuthiyiinta Yemen oo xulafo la ah Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ku hanjabay in wax kasta oo lagu sameeyo aysan ka joojin doonin cadaadiskooda militari ee ka dhanka ah Israel, illaama laga soo afjarayo xasuuqa Israel ka waddo Gaza iyo go’doominta muddada dheer saaran Marinka Gaza.
Al Bukhaiti ayaa ku waramaya in shacabka Yemen ay adkeysi badan u yeelan doonaan kororka weerarada kaga imanaya Israel iyo xulafadeeda dibadda, inta laga joojinayo xasuuqa dadka reer Gaza iyo is hortaaga lagu hayo cuntada, dawada iyo shidaalka la doonayo in la geeyo.
“Waxaan la kulmi doonnaa kororka weerarada cadowga, illaa dembiyada xasuuqa ee Gaza ay joogsadaan, cuntada, dawada iyo shidaalkana looga ogolaado inay galaan Gaza.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
War ka soo baxay Hoggaanka Xuuthiyiinta oo laga sii daayay TV-ga Al Masirah ayaa lagu yiri “Gardarrada Sahyuuniyadda kama celin doonto Yemen iyo Yemeniyiinta inay gutaan waajibaadkooda diineed iyo akhlaaqeed, si ay uga jawaabaan xasuuqa ay ka wadaan Marinka Gaza.”
Warka ayaa lagu sheegay in shacabka Yemen aysan ka waaban doonin inay si buuxda isu garab taagaan shacabka Falastiiniyiinta ee dhibaatada daran kala kulmaya Maamulka Israel.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaha ay maamulaan.
Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii January ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib markii diyaaradahooda dagaalka ay 12-kii bishaasi bilaabeen inay duqaymo ka gaystaan dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, si loo jebiyo go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel.
Labadan dal oo ka mid ah xulafada reer galbeedka ee ugu muhiimsan Israel ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan weerarada Xuuthiyiinta, waxayna taasi uga sii dartay xaaladdii cakirneyd ee gobolka ka jirtay, iyadoona ay maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ku riixday in intooda badan ay ka weecdaan isticmaalka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa waxaa weli u xiran marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Colaadda Gaza ka hor waxaa marinkan sanad kasta ka gudbayay boqolkiiba laba iyo toban (12%) ganacsiga badaha caalamka.
Inkastoo Xuuthiyiinta ay sheegeen inaysan iyagu weerar ku ahayn maraakiibta aan laga lahayn Mareykanka, Ingiriiska & Israel iyo kuwa kale ee la macaamila dekedahaasi, haddana tani waxba kama tarin baqdinta ay shirkadaha maraakiibta xamuulka ka qabaan in la beegsado.