Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta oo sheegtay inay beegsadeen saldhig ku yaala Israel

Xuuthiyiinta oo sheegtay inay beegsadeen saldhig ku yaala Israel

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay in galabta ay si sax ah u garaaceen saldhig militari oo Ciidamada Israel ay ku leeyihiin bariga Jaffa ee Tel Aviv.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in gantaal ballaastik ah ay ku garaaceen saldhigaasi.

“Gantaalkayaga ayaa si sax ah u beegsaday saldhig ay ciidamada cadowgu ku leeyihiin bariga Jaffa.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in gantaalkaasi uu ahaa nooca guuxooda ka dheereeya ee loogu magac-daray (Falastiin 2).

General Yahya Saree ayaa sheegay in gantaalku uu ka baxsaday dhammaanba nidaamyada difaaca hawada ee Israel iyo Mareykanka, ka hor inta aanu garaacin bartilmaameedkiisa.

Yahya Saree ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay taageeradooda militari ee garab istaaga loogu muujinayo shacabka Falastiin & Lubnaan iyo dhaqdhaqaaqooda iska caabinta.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan fulinta hawlgalada militari ee ka dhanka ah cadowga Israel, illaa laga soo afjarayo gardarrada iyo go’doominta ay ku hayaan Gaza, lagana joojinayo gardarrada ka dhanka ah Lubnaan.” Ayuu yiri Yahya Saree.

Militariga Israel ayaan weli ka hadlin sheegashada Xuuthiyiinta ee ku saabsan inay garaaceen saldhig ay leeyihiin ciidamadooda, mana ahan markii ugu horreysay oo Xuuthiyiintu ay weeraraan gudaha Israel.

Xuuthiyiinta ayaa qayb ka ah dhidibka iska caabinta gobolka ee isku dayaya in Israel lagu cadaadiyo in ay joojiso xasuuqa ay ciidamadeeda ka wadaan Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii hore beegsanayay maraakiibta ganacsiga ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc