Ururka Xuuthiyiinta ee reer Yemen ayaa Talaadadii sheegay in ay laba gantaal la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in laba gantaal oo nooca guuxooda ka dheereeya ah ay la heleen garoonkaasi, waana weerarkii shanaad oo garoonkaasi ay ku qaadaan dhowrkii cisho ee u dambeysay.
Israel ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkan ugu dambeeyay ay Xuuthiyiinta ku qaadeen garoonkeeda ugu weyn.
Xuuthiyiinta ayaa war ay soo saareen ku sheegay in sidoo kale ay garaaceen maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ku sugan biyaha Badda Cas, iyagoo aan bixin wax faah faahin ah oo intaas dheer.
Xuuthiyiinta ayaa ka carreysan weerarada Israel ka waddo Marinka Gaza iyo duqaymaha uu Mareykanku ku hayo bartilmaameedyada qaar ay ku leeyihiin dalka Yemen.
Warbaahinta caalamiga ah iyo tan gobolka ayaa warineysa in xaalad hubinti la’aan ah ay ka jirto Garoonka Ben Gurion, tanina ay walaac ku hayso duulimaadyada rakaabka.
Raadaarka hagidda diyaaradaha ee garoonkaasi ayaa la arkayay qalqal ku yimid, ka dib weerar gantaal oo Xuuthiyiintu ay ku qaadeen Isniintii.
Sawir laga qaaday Flightradar24 ayaa muujinaya diyaarado ku sii jeeday garoonka, ka dibna ka baxaya jihooyin kala firirsan. Militariga Israel ayaa sheegay in qaylo dhaan ay ka timid meelo kala duwan oo dalka ah, inkastoo sida ay sheegeen gantaalkaasi la soo riday, isla-markaana aanu ku dhicin garoonka.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay inay taggaan garoonkaasi, haddii aanu ahayn sida uu yiri mid ammaan ah.
Afhayeenka ayaa shirkadahaasi ku adkeeyay in ay si dhab ah u qaataan digniintooda, khatar kasta oo ay kala kulmaana aan Yemen lagu eedeyn karin.
Xuuthiyiinta ayaa dalbanaya in Israel ay si degeeg ah u soo afjarto weerarada dadka faraha badan galaafanaya ee ay ka waddo Marinka Gaza iyo inay qaaddo xanibaadda ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka aadka ugu baahan.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa ku hanjabay illaa iyo inta codkooda laga maqlayo in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Israel.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa dib u soo celiyay is hortaagii ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwooda ku sii jeeda Dekedaha Israel.