Home Dhacdooyin Xuuthiyiinta oo soo bandhigay muuqaalka markab si toos ah loo gubayo

Xuuthiyiinta oo soo bandhigay muuqaalka markab si toos ah loo gubayo

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa xalay soo bandhigay muuqaalka weerar ay si toos ah ugu gaysanayaan markab nooca shidaalka oo ku sugan Badda Cas.

Muuqaalka ayaa muujinaya dooni nooca yaryar ah oo ku sii socota goobta uu ku sugan yahay markabka, ka dibna ku dhacday dhinaca bidix ee markabkaasi, taasoo dhalisay qarax weyn iyo holac ka baxaya markabkaasi.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in markabka la beegsaday uu yahay CHIOS Lion, kaas oo ah nooca saliidda qaada.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka booyadda uu 2-dii bishan ka soo kicitimay Dekedda Tuapse ee Ruushka, balse ma sheegin halka uu ku wajahnaa.

Markabkan ayaa ka mid ahaa laba markab oo Xoogaga Xuuthiyiinta ay Isniintii ku weerareen Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree oo habeen hore ka soo muuqday telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah ayaa sheegay in maraakiibtaan ay jebiyeen awaamiirtii ay ka soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Israel.

Xuuthiyiinta ayaa horey u soo saaray awaamiir ay ku sheegayaan inaanan la tagi karin Dekedaha Israel amaba aan lala macaamili karin, markab kasta oo awaamiirtooda jebiyana uu noqon doono bartilmaameed, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Muuqaalkan la yaabka leh ayaa hadalhayn badan ka dhaliyay dunida, iyadoona ay si weyn u adeegsaneyso Warbaahinta caalamiga ah.

Tani ayaa loo fasirtay mid ay Xuuthiyiinta ku kordhinayaan culeyska ay Israel ku saarayaan inay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza.

Inta badan maraakiibta laga leeyahay Israel, Ingiriiska, Mareykanka iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel ayaan isticmaalin marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama ay halkaasi ku sugan yihiin amaba ay ka agdhow yihiin Xoogaga Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa weeraradooda maraakiibta ganacsiga garab istaag ugu muujinaya shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya weerarada naxariis darrada ah ee Israel.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta ay joojin doonaan, kolka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza iyo go’doominta ay muddada dheer ku hayso.

Ururada Xuuthiyiinta iyo Xisbullah ayaa ka mid ah ururada hubeysan ee ka jira Bariga Dhexe, isla-markaana caqabadda ku noqday amniga iyo dhaqaalaha Israel, sababo ku aaddan inay ka dhiidhinayaan gumaadka lagu hayo dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc