Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay in Mareykanka uu dhiirigelinayo xasuuqa Israel ee Gaza

Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay in Mareykanka uu dhiirigelinayo xasuuqa Israel ee Gaza

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu dhiirigelinayo xasuuqa ay Israel ka waddo Marinka Gaza, ka dib duqayntii ay gelinkii dambe ee Talaadadii ka gaysteen Caasimadda Yemen ee Sanca.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka iyo maraakiibtooda ku sugan xeebaha gobolka ay garaaceen kaabeyaasha militari ee ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin Magaalada Sanca iyo dhulka xeebta ee dalkaasi.

Afhayeenka Xafiiska Siyaasadda ee Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay in weerarada Mareykanka ay xadgudub qaawan ku yihiin madaxbannaanida, qaranimada iyo midda dhuleed ee dalka Yemen.

“Weerarka ayaa ku yimid taageerada Maamulka Sahyuuniyadda ee Israel.” Ayuu yiri Afhayeenka oo si adag uga hadlay duqayntaasi.

“Weerarkan waa taageero cad oo la siinayo Israel, si loogu dhiirigeliyo inay sii waddo dembiyada xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Gaza.” Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam.

Mohammed Abdul-Salam ayaa tibaaxay in dalkiisu uu xaq u leeyahay inuu is difaaco, isla-markaana ay shacabka Yemen sii wadi doonaan taageeradooda Falastiin.

“Shacabka Yemen waxay sii wadi doonaan inay iska difaacaan gardarro kasta oo dibadda ah, waxayna ku adkeysanayaan in la sii wado taageerada iyo is garabtaaga shacabka Falastiin, gaar ahaan dadka Gaza.” Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam. Dhanka kale telefishinka ay Xuuthiyiiinta maamulaan ee Al Masirah ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay 12 weerar oo xagga cirka ah ay ka fuliyeen laba degmo oo ka tirsan Sanca.

Duqaymahan is daba jooga ah ayaa qaarkood lagu bartilmaameedsaday Beerta 21-ka September ee waqooyi galbeed ee Sanca, halkaasoo ay horey u deganaayeen Ciidamada Qaybta 1aad ee Gaashaaman.

Sidoo kale sideed weerar oo kale ayaa lagu beegsaday goobo ay ka mid yihiin Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidamada ee agagaarka Bab Al-Yemen ee bartamaha Sanca iyo weliba Dhismaha Warshadaha ee 22-ka May ee xaafadda Al-Nahda ee waqooyi galbeed ee Sanca.

Al Masirah TV ayaan sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay duqayntaasi, marka laga soo tago in dhismayaal ay ku burbureen.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa Mareykanka iyo Ingiriiska ku eedeeyay in ay isku dayayaan in Yemen laga joojiyo taageeradeeda Falastiin.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Yemen ay ka go’an tahay inaanan weerarada laga joojin Israel, inta ay weerarada cadowtinimada ah ka waddo sida uu yiri Marinka Gaza.

“Hawlgalada Ciidamada Yemen waxay joogsan doonaan oo keliya, marka uu cadowgu joojiyo gardarradiisa Gaza iyo qaadista go’doominta saaran.” Ayuu yiri General Saree.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January bilaabay inay xagga cirka garaacaan dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel.

London iyo Washington waxay ku guuldareysteen inay joojiyaan weeraradaasi, aan ka ahayn inay sii xumeeyeen xaaladdii gobolka. Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii January ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, iyadoo laga jawaabayo duqaymaha ay ka gaysanayaan dalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa billo ka dib bilaabay inay gantaaladooda si toos ah ugu weeraraan gudaha Israel, waxaana ka sii horreysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo gudaha Israel ay weeraro kaga gaysanayeen.

Madaxa Guddiga Sare ee Kacaanka Xuuthiyiinta, Mohammed Ali Al Houthi ayaa Talaadadii sheegay in Yemen aysan soo afjari doonin weerarada ay ku hayso Israel, iyadoo aan la joojin dhiigga ay daadineyso.

Xuuthiyiinta oo taageero militari ka hela dalka Iran ayaa caqabad dhaqaale iyo mid amniba ku noqday Maamulka Israel, oo isagu diidan in la soo afjaro dagaalka Gaza, iyadoo aan laga adkaan Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc