Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay inay bartilmaameed ka fuliyeen Magaalada Eilat

Xuuthiyiinta Yemen oo sheegay inay bartilmaameed ka fuliyeen Magaalada Eilat

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay garaaceen barilmaameed muhiim ah oo ku yaala Magaalada Eilat, oo Israel horey uga qabsatay Falastiiniyiinta.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in tiro drones ah ay ku weerareen magaaladan, oo horaan la oran jiray Umm Al-Rashrash, balse ay Israel ugu magac-dartay Eilat.

“Waxaan beegsanay bartilmaameed muhiim ah oo cadowgu uu ku leeyahay Magaalada Umm Al-Rashrash ee koonfurta dhulka Falastiin, iyadoo la adeegsanayo tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenku ayaan faah faahin intaas dheer ka bixin goobta ay bartilmaameedsadeen, marka laga soo tago inay meel muhiim ah u ahayd Israel.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in weerarku uu yahay mid ay Ciidamada Yemen ku garab taagan yihiin shacabka Falastiin iyo Lubnaan.

TV-ga Al Masirah ayaa Saraakiisha Xuuthiyiinta ka soo xigtay in Ciidamada Yemen ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Israel, illaama ay ka joojineyso dadka rayidka ah ee ay leynayso.

Bishii June ayay ahayd, markii ugu horreysay oo Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ay gantaal ballaastik ah ku weeraraan magaaladan.

Weerarada ay Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo magaaladan ayaa sabab u noqday inay xirmato Dekedda Eilat oo saaran Badda Cas.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa isku dayaya in ay si dhameystiran u go’doomiyaan Dekedaha Israel, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ciidamadooda gaysanayaan iyo go’doominta ay muddada dheer ku hayaan dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc