Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa Arbacadii sii daayay markabka Galaxy Leader iyo dhammaanba shaqaalihii la socday, ka dib wax ka badan hal sano oo afduub loogu haystay xeebaha dalka Yemen.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa 19-kii bishii November ee sanadkii 2023 markabka xamuulka ee Galaxy Leader iyo 25 shaqaale oo la socday ka afduubay Badda Cas, xilli uu ka yimid dalka Turkiga, kuna sii jeeday dalka India.
Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in sii deyntani ay ka dambeysay, ka dib codsi ay ka heleen Ururka Xamaas ee Falastiin.
TV-ga Al Masirah ee afka Xuuthiyiinta ku hadla ayaa sheegay in sii deynta markabka iyo shaqaalahaba lagu taageerayo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.
Shaqaalaha ayaa u kala dhashay dalalka Flibiin, Mexico, Ukraine, Bulgaria iyo Romania.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa horey u sheegay in markabka laga leeyahay Israel ay ku sii deyn doonaan oo keliya, marka ay sidaasi Xamaas ka codsato, inta ka horreysana ay gacanta ku hayn doonaan.
Markabkan ayaa ah kan keliya ee gacanta ugu jiray Xuuthiyiinta Yemen, inkastoo ay tiro maraakiib ah ku gubeen marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, muddadii uu socday dagaalka Gaza. Weeraradan ayaa ahaa kuwo ay Xuuthiyiinta ku taageerayaan Falastiin, loogana soo horjeedo duulaanka Israel ee Gaza.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa toddobaadkii hore sheegay inay soo afjari doonaan weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, haddii si buuxda loo dhaqangeliyo heshiiska xabad joojinta Gaza.
Xuuthiyiinta iyo shacabka Yemen ayaa taageero xoog leh u muujiyay Falastiiniyiinta. Xuuthiyiinta ayaana xaalad dhaqaale iyo mid amniba ka abuuray gudaha Israel.