Home Wararka Caalamka Xuuthiyiinta Yemen oo weeraro cusub ka gaystay Badda Cas iyo Badda Carabta

Xuuthiyiinta Yemen oo weeraro cusub ka gaystay Badda Cas iyo Badda Carabta

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weeraro cusub oo maraakiib loogu gaystay Badda Cas iyo Badda Carabta.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa xalay sheegay in Ciidamada Yemen ay dab saareen markabka ganacsiga ee Transworld Navigator, xilli uu ku gooshayay Badda Carabta.

Afhayeenka ayaa sheegay in gantaaladooda ay haleeleen markabkan oo watay Calanka Liberia, isla-markaana ay burbur u gaysteen.

Afhayeenka ayaa sababta ay u weerareen markabkaasi ku sheegay in shirkadda laga leeyahay ay ku xadgudubtay go’doominta ay ku hayaan Dekedaha Israel.

“Markabka waxaa loo beegsaday, waa in shirkadda iska leh ay ku xadgudubtay mamnuucidda in la taggo dekedaha xoogga looga haysto Falastiin amaba in lala macaamilo.” Ayuu yiri Afhayeenka oo daba socdo amarkii ay horey uga soo saareen in markab kasta oo tagga dekedahasi uu noqon doono bartilmaameed, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Afhayeenka ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in lala macaamilo Dekedaha Israel, ciddii ku xadgudubto awaamiirtoodana ay la kulmi doonto cawaaqib daran.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay sidoo kale Badda Cas ku beegsadeen markabka dagaalka Mareykanka ee USS Dwight D. Eisenhower.

Markabkan ayaa ah nooca diyaaradaha xambaara, waana mid ka mid ah maraakiibta ugu casrisan ee nooca dagaalka ee Mareykanku uu leeyahay.

Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa tilmaamay in gantaalaha ballaastikada iyo nooca kale ee cruise-ka ay ku weerareen markabka Mareykanka, kaas oo hoggaaminayay hawlgalka isbahaysiga Mareykanka ee lagu la dagaalamayo Xoogaga Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

“Hawlgalku wuxuu ku soo dhammaaday si guul leh, iyadoo laga gaaray ujeedadii laga lahaa.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Ku dhawaaqista Xuuthiyiinta ayaa timid saacado uun ka dib, markii ay soo baxeen warar sheegaya in Washington ay amar ku bixisay in markabka USS Dwight D. Eisenhower uu dib ugu soo laabto Mareykanka.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa 31-kii bishii hore ee May, sidaan oo kale markabkan ugu weeraray Badda Cas, markaas oo ay sheegeen in ay kaga aargudanayeen duqaymo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ka gaysteen dalka Yemen, ayna ku dhinteen 16 qof, 42 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in markabkan lagu soo bedelayo markab kale, ka dib sideed bilood oo ay sheegeen inuu ka hawlgalayay Bariga Dhexe.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa toddobaadkii hore quusiyay markabka dhuxusha qaada ee Tutor, ka dib markii uu ku xadgudbay awaamiirta ay ka soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Israel.

Weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta ayaa jawaab u ah gumaadka ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta ay joojin doonaan, kolka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza iyo go’doominta ay muddada dheer ku hayso.

Ururada Xuuthiyiinta iyo Xisbullah waa labada garab ee ugu weyn ee bannaanka ka jooga dagaalka ka soconaya Marinka Gaza, isla-markaana caqabadda ku noqday amnigii iyo dhaqaalihii Israel.

Taageerada xoogan ee dhidibka wax iska caabinta u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ayaa ah tan ugu weyn ee ay maanta haystaan dadka reer Gaza.

Dhidibka wax iska caabinta ayaa loo yaqaanaa ururada hubeysan ee Iran taageerto ee ka jira gobolka, gaar ahaan dalalka Yemen, Lubnaan, Ciraaq iyo Suuriya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc