Home Wararka Caalamka Yahya Saree oo ka hadlay gantaalka casriga ah (Hypersonic) ee ay ku weerareen Israel

Yahya Saree oo ka hadlay gantaalka casriga ah (Hypersonic) ee ay ku weerareen Israel

by Laacib

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in weerarkii ay saakay ku qaadeen Israel ay u adeegsadeen gantaal kuwa guuxooda ka dheereeya ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in gantaal Hypersonic ah ay la beegsadeen saldhig militari oo Ciidamada Israel ay ku leeyihiin nawaaxiga Jaffa ee Tel Aviv.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta la wadaagay in gantaalkoodu uu ka baxsaday nidaamka difaaca hawada ee Israel.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in gantaalka cusub ee Hypersonic uu si sax ah u garaacay bartilmaameedkoodii Israel.

“Gantaalka ayaa 11 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi ku jaray masaafo dhan 2,040km, wuxuuna si sax ah u haleelay bartilmaameedkii weerarka, iyadoo cadowgu uu ku fashilmay inay ka hortaggaan.” Ayuu yiri General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay horumariyeen gantaaladooda, isla-markaana uu wejigii 5aad galay dagaalka ay kula jiraan Israel.

General Yahya Saree ayaa tilmaamay in weerarada xagga cirka ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ka fulinayaan dalka Yemen aysan ka joojin doonin inay sii wadaan weerarada ay ku taageerayaan shacabka Falastiin.

“Caqabadaha juqraafiyeed ee gardarrada Mareykanka, Ingiriiska, basaasnimada iyo nidaamyada dhex galka kama hor istaagi doonaan Yemen inay taageerto Falastiin.” Ayuu yiri Yahya Saree.

Yahya Saree ayaa Israel uga digay inay sii waddo xasuuqa ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, haddii kalena ay cawaaqib daran kala kulmi doonto.

Warbaahinta Israel ayaa warineysa war ka duwan warka ka soo yeeray Taliska Militariga Israel ee ku aaddan inay ka hortaggeen gantaalkaasi, balse firirkiisu uu waxyeelo aan badneyn ka gaystay maxadada tareenada ee Modi’in. Taliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin cid wax ku noqotay gantaalkaasi.

Warbaahinta ayaase sheegtay in gantaalku uu ku dhacay meel bannaan, isla-markaana uu sababay dab ka kacay meel bannaan oo ku taala bartamaha Israel ama duleedka Tel Aviv.

Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom ayaa mar sii horreysay sheegay inay qaadeen sagaal qof oo qaba dhaawacyo fudud.

Adeegga MDA ayaa sheegay in dadkan ay ku dhaawacmeen is buurasho ka dhalatay, intii ay u cararayeen goobta gabaadka ee gantaalada laga galo.

Dhawaqa digniinaha oo saakay laga maqlay magaalooyin ay ku jirto Tel Aviv ayaa in ka badan laba milyan oo qof ku riixay inay badbaado u raadsadaan goobaha gabaadka.

Weerarkan ayaa buuq badan ka dhaliyay gudaha Israel, iyadoo Israeliyiintuna ay arkaan in xaaladdu ay sii cuslaaneyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc