Dowladda Federaalka ayaa gargaarkii ugu horreyay gaarsiisay bulshada ku dhaqan Gobolka Shabellaha Dhexe qaybteed, ka dib xaalad ka dhalatay colaado.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa shalay 11 gaari oo sida deeq gargaar gaysay deegaano hoostaga Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Alkowsar, si loogu qaybiyo shacabkii ay dhibaatada ka soo gaartay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanadaasi.
Gaadiidkan ayaa waday rar isugu jira raashiin, dawo, teendhooyin iyo agab kale oo loogu talagalay dadkii toddobaadkii hore ka barakacay Alkowsar iyo deegaanka Ceel Cali Axmed oo Al Shabaab ay weerartay.
Waxgaradka deegaanka ayaa SODMA uga mahadceliyay gargaarka bani’aadantinimo ay soo gaarsiisay, iyagoona xalay sheegay in gargaarka ay si wanaagsan u kala qaybsadeen dadka Alkowsar iyo Ceel Cali Axmed.
SODMA ayaa gargaarkan ka dirtay Magaalada Muqdisho, waxaana gelbinayay kolonyada Ciidanka Xoogga Dalka.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka jirta xiisad weyn, taas oo ka dhalatay hawlgalka ay ciidamada ka wadaan deegaanada Hirshabelle ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo weerarada ay Shabaabku ku hayaan dhulkii horaan la xoreeyay.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal, kuna yaala meel ku dhow xuduudda kala qaybisa Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Shabaabka ayaa 25-kii bishii February la wareegay deegaankaasi, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay dib uga gurteen.
Shabaabka ayaa 20-kii February weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Ceel Cali Axmed, inkastoo xilligaasi ay ku hungoobeen inay qabsadaan.
