Home Dhacdooyin Xuutiyiinta Yemen oo kabo le’eg u gelinaya Israel

Xuutiyiinta Yemen oo kabo le’eg u gelinaya Israel

by Laacib

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta mar kale gantaal nooca ballaastikada ah ku weeraray Israel, kaasoo noqonayo weerarkii saddexaad oo Israel ay ku qaadaan muddo 24 saac ah.

Gantaalkan laga soo tuuray dalka Yemen ayaa seeriga digniinaha ka kiciyay Magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale ee bartamaha Israel, iyadoona mallaayiin qof ay gabaad raadsadeen.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay si sax ah u beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv, iyadoo la adeegsanayo gantaal Hypersonic ah.

“Gantaalku wuxuu si guul leh u haleelay bartilmaameedkiisii, taasoo keentay in mallaayiin Sahyuuniyiin ah ay u cararaan goobaha gabaadka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in hawlgal gaar ah ay ku beegsadeen garoonkaasi, isla-markaana ay hakiyeen shaqadii xadidneyd ee ka socotay garoonkan.

Wuxuu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee harsan ee weli ka sii shaqeynaya garoonka ay tahay inay garowsadaan in garoonkaasi aanu amni ahayn, isla-markaana aysan khatar gelin rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

General Yahya Saree ayaa sheegay in weerarada Yemen ay noqon doonaan, kuwo aan dheg la qabto lahayn, illaa inta laga joojinayo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Gaza, lana soo afjarayo go’doominta.

General Saree ayaa ka digay in aamusnaanta laga aamusan yahay dembiyada maalinlaha ah ay Israel ka gaysaneyso Gaza ay dunida Muslimka u horseedi doonto u nuglaanshaha cadowgooda, sida uu yiri.

Ururka reer Yemen oo ah midka keliya ee ficil ahaan ka dhiidhinaya xasuuqa Gaza ayaa isku dayaya in ay cir iyo dhulba ka go’doomiyaan Israel.

Xuutiyiinta ayaa shirkadaha diyaaradaha ee ajnabiga ah ku khasbay in ay ka fogaadaan Garoonka Ben Gurion, oo ah midka ugu weyn ee Tel Aviv, ka dib markii 5-tii bishan ay ku dhawaaqeen inay cunaqabateyn ku soo rogeyn garoomada maamulkaasi.

Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee ay Xuutiyiinta ku hubeysan yihiin, taasoo sabab u noqotay inay hakiyaan duulimaadyadii ay ku tagayeen Tel Aviv.

Xuutiyiinta ayaa Isniintii ku dhawaaqay go’doomin xagga badda ah, oo ay sheegeen inay saareen magaalada dekedda leh ee Haifa, iyagoo ka jawaabaya tallaabada ay Israel Axaddii ku ballaarisay ololaheedii militari ee Gaza.

“Dhammaan shirkadaha leh maraakiibta ku sugan dekeddan ama ku sii jeeda, waxa la ogeysiinayaa in laga bilaabo waqtiga ku dhawaaqista in dekedda aan kor ku soo xusnay lagu daray liiska bartilmaameedyada.” Ayuu yiri General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta ayaa horey ugu guuleystay in ay xiraan dekedaha koonfureed ee Israel, ka dib markii shirkadaha maraakiibta ay go’aansadeen inaysan tagin dekedahaasi. Maraakiibta ayaa khatar amni awgeed uga cararay dekedahaasi, ka dib markii ay Xuutiyiinta ku weerareen Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Yahya Saree ayaa sheegaya in markan ay diiradda ku hayaan dekedda ugu muhiimsan Israel ee Haifa, taas oo uu sheegay inaanan la tagi karin. Haifa waa magaalada ugu weyn ee waqooyiga iyo tan saddexaad ee Israel ugu weyn.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi oo xalay jeediyay khudbaddiisa Khamiislaha ee uu kaga hadlo xaaladda Bariga Dhexe ayaa sheegay in ay sii socon doonto cunaqabateynta ay ku hayaan Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha Israel.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa sheegay in Israel ay xaaladdan ka gudbi doonto oo keliya, kolka ay soo afjarto duulaanka iyo go’doominteeda Gaza, maadaama aysan lahayn sida uu yiri awood ay ku celiso Yemen.

Al Houthi ayaa si joogta ah u sheega in Yemen iyo shacabkeedaba ay gudanayaan waajibaadka diineed iyo akhlaaqeed ee ka saaran in la difaaco dadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc