Israel ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa ee dhanka diblomaasiyadda, ka dib markii reer galbeedka ay Isniintii ka horyimaadeen ballaarinta ololaheeda militari ee Gaza oo waxyeelada ugu badan ka soo gaareyso dadka rayidka ah.
Baaqyada wadajirka ah ee ay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ku dalbanayaan in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza oo Israel ay ku gacan seyrtay ayaa keentay in dalalka reer Yurub ay dersaan tallaabada laga qaadi karo maamulkaasi, si looga joojiyo dhiigga ay daadinayaan.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa waxay qaar badan oo ka mid ah ay ka shaqeynayaan, sidii ururku uu dib u eegis ugu samayn lahaa xiriirka ay la leeyihiin Israel.
Magaalada Brussels ee Xarunta Midowga Yurub ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ay Israel arki karto in wax aan wanaagsaneyn uu kaga soo socdo.
Midowga Yurub ayaa sheegay inay dib u eegayaan iskaashiga ay la leeyihiin Israel, si looga jawaabo khatar gelin Israel ee nolosha in ka badan laba milyan oo qof oo Gaza ku nool.
Taageerada Yurub ee Israel ayaa waxaa muuqata inay sii yaraaneyso, iyadoo dunida ay ka argagaxsan tahay sawirrada carruurta Falastiiniyiinta reer Gaza ee gaajada la oyneysa, kuwo ka mid ahna ay gaajo darteed ugu geeriyoodeen gudaha Gaza, ka dib xanibaadda Israel ee gargaarka bani’aadantinimo.
Dowladaha Yurub oo ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel, marka laga soo tago Mareykanka ayaa ka carreysan diidmada madaxda maamulkaasi, ee ah inaanay joojin doonin dagaalka Gaza, isla-markaana aysan huri karin in la qaado tallaabooyin la taaban karo oo ka dhan ah maamulkaasi.
Ergayga Israel ee Midowga Yurub, Haim Regev ayaa ka digay in la wiiqo taageerada reer Yurub ee Israel, xilli Tel Aviv ay diidan tahay in la soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Gaza.
Warbaahinta Israel ayaa warineysa in dalku uu wajahayo toddobaadkii ugu khalafsanaa ee taariikhda Israel, marka ay noqoto dhanka diblomaasiyadda.
Warbaahinta maxaliga ayaa ka digeysa in Israel ay dhexda kaga jirto duufaan diblomaasiyadeed oo aan horey loo arag, iyadoo u sababeynaysa sumcadda sii xumaaneysa Israel ee Yurub.
Cadaadiska reer Yurub ku saarayaan Israel in la joojiyo dagaalka Gaza ayaa sii xoogeysanaya, maadaama gaajeysiinta ula kaca ah ee carruurta ay kicisay dareenka dadweynaha Yurub.
Reer Yurub ayaa bilowgii taageeray duulaanka Israel ee Gaza, laakiin ay 19 bilood ka dib si adag uga soo horjeesteen, sababtu tahay Israel oo dagaalkeeda uu yahay mid isir sifeyn ah, isla-markaana aanu ahayn dagaal lagu burburinayo Xamaas.
Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada ka jira Yurub ay jawaab u yihiin diidmada Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee la xiriirta inaysan Israel aqbali doonin in xabad joojin buuxda laga dhaqangeliyo Gaza iyo amarka uu baaqooda ka dib ku bixiyay in la dardargeliyo hawlgalkan cusub, oo ay ugu magac darayn (Hawlgalka Gideon Chariots), kaas oo Axaddii ay ciidamadoodu ka bilaabeen Marinka Gaza, isla-markaana ay sheegeen inay ku xaqiijinayaan guusha dagaalka.
Netanyahu ayaa Arbacadii ku hanjabay in Israel ay si buuxda ula wareegi doonto amniga Marinka Gaza, xitaa haddii ay Xamaas ka adkaadaan.
Arrintan ayaa noqotay mid ay si weyn u lafa-gureyso Warbaahinta caalamiga ah, waxayna fallanqeeyeyaasha ay sheegayaan in madax adeyga Netanyahu uu dhaawici doono xiriirkii labada dhinac.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa laga soo xigtay in dowladuhu ay kordhin doonaan tallaabooyinka ay ku beegsanayaan Israel, illaa iyo inta uu socdo dagaalka Gaza.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa dagaalkan ku sheegay inaanu ahayn dagaal Israel, balse uu dagaalka Gaza yahay mid ay ujeedooyin gaar ah ka leeyihiin Netanyahu iyo kooxdiisa.
Netanyahu ayaa iska indha tiray dhibaatooyinka sharci iyo siyaasadeed ee ay kala kulmi doonaan ku tumashadooda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Dunida ayaa bogaadineysa tallaabooyinka markii koowaad la doonayo in lagu la xisaabtamayo Israel, si ay hadda ka dib uga caagto dhiigga ay caadeysatay inay daadiso iyo xadgudubyadeeda aan dhammaadka lahayn ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.