Israel iyo Iran ayaa sii wada duqaymahooda xagga cirka ee u dhaxeeya labada dal, iyadoona dagaalkooda uu Jimcihii galay toddobaadkiisii labaad.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta duqayn culus ka gaystay Magaalada Ahvaz ee Gobolka Khuzestan ee koonfur galbeed Iran. Militariga Israel ayaa sheegay in 30 ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen daraasiin bartilmaameed oo ciidan oo ku yaala magaaladaasi.
“Goob militari oo lagu kaydin jiray gantaalada iyo kaabeyaal kale oo militari ayaa la beegsaday.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel oo intaasi ku daray “Ciidanka Difaaca Israel ayaa sii xoojiyay weerarada ka dhanka ah awoodaha militari ee Taliska Iran, si ay u sugaan ammaanka Dowladda Israel.”
Ugu yaraan shan askari ayaa lagu dilay, sagaal kalena waa lagu dhaawacay weerar ay Israel maanta ka gaysatay Magaalada Sumar ee Gobolka Kermanshah ee galbeedka Iran, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Fars.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay duqaymo cusub ka gaysteen magaalada koonfurta Iran ku taala ee Bandar Abbas, isla-markaana ay beegsadeen bakhaar hub ah iyo goobo ay yaallaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Militariga Israel ayaa qoraal ku sheegay in sidoo kale ay bartilmaameedsadeen diyaarado dagaal oo Ciidamada Iran ay leeyihiin iyo kaabeyaasha militari ee bartamaha dalka Iran.
Wakaaladda Wararka Tasnim ee laga leeyahay Iran ayaa ku warantay in nidaamka difaaca cirka ee Magaalada Bandar Abbas uu si adag uga jawaabay weerarka Israel, isla-markaana ay ciidamadu burburiyeen qaar ka mid ah diyaarado drones ah oo Israel ay weerarka u adeegsatay.
Israel ayaa waxay kaloo Sabtidan sheegtay in ay dishay saddex taliye oo kale oo Iraaniyiin ah, xilli ay sheegtay inay waddo olole ballaaran oo duqaymaha aan horey loo arag ah, kana dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Israel ma sheegin magacyada saraakiishaasi.
Militariga Israel ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegay in duqayn ay ka gaysteen Gobolka Qom ay si guul leh ugu dileen sarkaal reer Iran ah oo magaciisa ay ku sheegeen Saeed Izadi, kaas oo Tehran u qaabilsanaa sida ay sheegeen isku xirka Ururka Xamaas. Militariga Israel waxay sheegeen in Saeed Izadi uu ahaa mid ka mid ah raggii nashqadeeyay weerarkii ay Xamaas hoggaamineysay ee kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, waxayna dilkiisa ku sheegeen guul weyn.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa sheegay in duqaymahooda ay laba sano dib u dhigeen horumarkii ay Iran ka sameynaysay inay yeelato sida uu yiri hubka nuclear ah.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Korneyl Nadav Shoshani ayaa Fox News u sheegay in hadafkoodu uu yahay in ay sii wadaan hawlgalada ay ku wiiqayaan Taliska Iran, si aysan dib dambe isu soo abaabulin.
Korneyl Nadav Shoshani ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan yoolkooda ah in ay xaalad hubinti la’aan ah geliyaan dalka Iran, si ay ugu adkaato buu yiri in ay hawlgalo sameeyaan.
“Waan riixaynaa mar walba, waxaana ugaarsanaynaa taliyeyaashooda iyo gantaaladooda, annagoo hubinayna in aysan helin ilbiriqsi ay dib isugu soo abaabulaan.” Ayuu yiri Korneyl Shoshani.
Seeriga dhawaqa digniinaha ee duulaanka hawada ayaa caawa laga maqlay bartamaha iyo waqooyiga Israel, taasoo ay Warbaahinta Iran ku sheegtay in ay ka dambeysay Tehran oo bilowday mowjado cusub oo weeraro ka dhan ah Israel.
Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Iran, Iraj Harirchi ayaa maanta sheegay in dhankooda ay dhinteen 430 qof, in ka badan 3,500 kalena ay dhaawacmeen sagaalka maalmood ee dagaalka uu socdo.
Israel ayaa waxay dhinaceeda qiratay in ay ka dhinteen 25 qof, 2,517 kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha Iran, tan iyo 13-kii bishan oo dagaalka uu ka dhex qarxay labada dal.
Dagaalkan ayaa cabsida ku kordhinaya dadka ku dhaqan gobolka, kuwaas oo ka baqdin qaba in dagaalku uu sii daba dheeraado.