Ciidamada Iran ayaa caawa gantaalo ku weeraray Saldhigga Militariga Mareykanka ee Al Udeid ee dalka Qatar, iyadoo Doha ay cambaareysay weerarkaasi.
Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in gantaalada ridada gaaban iyo kuwa ridada dhexe lagu weeraray Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al Udeid.
Dalka yar ee Qatar ayaa laga maqlay qaraxyo xoogan oo ka dhashay weerarka ay Iran markii ugu horreysay ku qaadday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee dalkaasi, tan iyo intii ay xiisaddan dib uga soo cusboonaatay Gobolka Bariga Dhexe, iyadoo ka aargudaneysa weerarkii diyaaradaha wax duqeeya Mareykanka ee B-2 ka gaysteen dalkeeda.
Lama sheegin illaa iyo hadda cid wax ku noqotay weerarkaasi, waxayna Wasaaradda Gaashaandhiga Qatar ay sheegtay in nidaamka difaaca hawada uu qabtay gantaaladaasi.
Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa dhankooda sheegay in Xarunta Taliska Al Udeid ay la beegsadeen gantaalo wax burburiya iyo kuwo kaloo xoog badan.
Dowladda Qatar ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay si kulul ugu cambaareysay weerarkaasi, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay in weerarku uu xadgudub bareer ah ku yahay madaxbannaanida dalkaasi iyo sharciga caalamiga ah.
Sacuudiga iyo Bahrain ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaasi, waxayna Riyadh sheegtay in gardarrada ay Iran ku bilowday Qatar uu xadgudub qaawan ku yahay sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da deris wanaagga.
Saldhigga Al Udeid ayaa ku yaala saxaraha koonfur galbeed ee Magaalada Doha, waana mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe, waana talis muhiim u ah hawlgalada Mareykanka ee gobolka.
Saldhiggan ayaa waxaa degan in ka badan toban kun oo askari (10,000), oo isugu jira Mareykan iyo isbahaysigooda. Saldhiggan ayaa lagu sheegaa Xarunta Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).