Home Wararka Caalamka Iran oo sheegtay in jawaabcelinta weeraradeeda ay soo afjartay

Iran oo sheegtay in jawaabcelinta weeraradeeda ay soo afjartay

by Laacib

Dowladda Iran ayaa waxay sheegtay in dhankeeda ay soo afjartay tallaabooyinkii militari ee ay kaga jawaabeysay weerarada Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in dhinacooda ay xabadda ka joogsatay 4-tii aroornimo ee saaka, isagoo daba jooga heshiiska xabad joojinta ee Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in ay gaareen Israel iyo Iran.

“Hawlgalada militari ee ciidamadeenna xoogga badan ee lagu ciqaabayo gardarrada Israel ayaa socday, illaa daqiiqaddii u dambeysay ee 4:00am aroornimo.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Nuxurka hadalka Wasiir Araghchi ayaa ah in Tehran ay joojin doonto jawaab-celinteeda militari, haddii Israel ay joojiso weerarada ay ku hayso dalkaasi, laga bilaabo 4-ta aroornimo ee Talaadadan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada geesiyaasha ah ee diyaarka u ah inay difaacaan wadankeenna qaaliga ah, illaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiigooda, kuwaas oo ka jawaabay weerar kasta oo cadowga, illaa daqiiqadda ugu dambeysa.” Ayuu yiri Araghchi.

Madaxweyne Trump ayaa goor dambe oo xalay ahayd bartiisa barraha bulshada ee Truth Social kaga dhawaaqay xabad joojin dhameystiran oo u dhaxeysa Iran iyo Israel, taas oo ku dhaqangeli doonta lix saac.

Illaa iyo hadda ayaa waxaa la dhawrayaa jawaabta Israel ee la xiriirta xabad joojintan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc