Home Wararka Caalamka Israel oo weerar ka gaysatay Tehran, xilli uu Trump ka dalbaday inay joojiso weeraradeeda

Israel oo weerar ka gaysatay Tehran, xilli uu Trump ka dalbaday inay joojiso weeraradeeda

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa galabta garaacay Magaalada Tehran, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Israel iyo Iran ku eedeeyay in saacado ka dib ay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta ay gaareen labada dal.

Madaxweynaha ayaa labada dhinac ku booriyay in ay joojiyaan rabshadaha ay ku lugta leeyihiin, isagoona si gaar ah Israel uga dalbaday inaysan wax weerar ah ku qaadin dalka Iran.

“Israel waa inay hadda is dejiso.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo intaasi ku daray “Iran iyo Israel waxay dagaalamayeen muddo dheer, illaa ay garan waayaan waxa ay sameynayaan.”

Israel ayaa Iran ku eedeysay in ay soo weerartay hawadeeda, ka dib markii ay xabad joojintu dhaqangashay, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich uu ku hanjabay in Tehran ay gariiri doonto, isaga oo daba jooga gantaal Irani ah oo afar qof ku dilay magaalada koonfurta Israel ku taala ee Beersheba iyo seeriga digniinaha gantaalada oo laga maqlay deegaanada waqooyiga Israel.

Qaraxyo waaweyn ayaa la sheegay in laga maqlay Tehran. Militariga Israel ayaana goor sii horreysay sheegay inay duqeeyeen xarun raadaar oo ku taala waqooyiga Tehran.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in uu amray in weerar xoogan lagu qaado Tehran, isaga oo ku eedeeyay Iran in ay ku xadgudubtay xabad joojinta ay ka soo shaqeeyeen Mareykanka iyo Qatar.

Taliska Militariga Iran ayaa ka digay in Israel ay sii waddo weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi, haddii kalena ay keeni doonto in jawaabta militari ee Iran aanay joogsan.

Weerarada militari ee Israel ayaa abuuray walaac xoog leh oo ku aaddan inuusan si sax ah u dhaqangelin heshiiska xabad joojinta ee Madaxweyne Trump uu ku sheegay mid gobolka u horseedi doona xasillooni.

Trump ayaa niyad jab ka muujiyay weerarada labada dal ee sii socda, inkastoo uu weli ku adkeynayo in ay tahay inay soo afjaraan dagaalkoodan.

Colaaddan soo cusboonaatay ayaa hubinti la’aan ka dhigeysa mustaqbalka xabad joojinta, iyadoona labada dhinacba ay horey u sheegeen inay ogolaadeen in ay joojiyaan weeraradooda, xilli uusan jirin wax damaanad qaad ah, aan ka ahayn in ay xabadda joojinayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc