Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Tehran aysan wax caqabad ah ku ahayn heshiiska xabad joojinta ay gaareen iyaga iyo Israel.
Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dalkiisu aanu ku xadgudbi doonin xabad joojinta, balse uu dhaqangalkeedu ku xiran yahay rabitaanka Israel.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Ciidamada Iran aysan wax weerar ah ku qaadi doonin Israel, haddii Tel Aviv ay sidoo kale yeesho.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Iran kuma xadgudbi doonaan heshiiska xabad joojinta, haddii aysan Israel jebin marka hore.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo warkan ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.
Madaxweynaha ayaa bayaanka ku sheegay in Tehran ay jawaabi doonto oo keliya, marka ay ku soo gardarooto Israel, waxaana uu Israel ugu yeeray in ay joojiso duqaymaheeda, haddiiba ay xabad joojin dooneyso.
Dhanka kale Madaxweyne Pezeshkian ayaa sheegay in qarankiisu uu diyaar u yahay wada hadal iyo inuu xuquuqda shacabka Iran ku difaaco miiska wada hadalka.
Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaase wax yar ka dib sheegay in cidda ay Iran la hadleyso aanu Mareykanku ahayn, isla-markaana aysan wax wada hadal ah la geli doonin, illaa iyo inta uu gaysanayo xadgudubyo ka dhan ah dalkiisa.
Wada hadalada Tehran iyo Washington ay ka lahaayeen barnaamijka nuclear-ka ee Iran ayaa istaagay, ka dib markii Israel ay 13-kii bishan bilowday inay weerarto xarumaha nuclear-ka iyo militariga ee dalkaasi.
Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu ku xadgudbay madaxbannaanideeda iyo sharciga caalamiga ah, ka gadaal markii uu Axaddii beegsaday saddex goobood oo ka mid ah xarumaha nuclear-keeda.
Iran oo ka aargudaneysa weerarkaasi ayaa waxay xalay ciidamadeedu weerareen Saldhigga Militariga Mareykanka ee Al Udeid ee dalka Qatar.
Madaxweyne Donald Trump oo isku dayaya in uu dejiyo xiisadda Bariga Dhexe ayaa xalay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social kaga dhawaaqay in xabad joojin dhameystiran ay gaareen Israel iyo Iran.
Madaxweynaha Mareykanka oo maanta khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeeyay in ciidamadiisu aysan ku xadgudbi karin heshiiska xabad joojinta, sida laga soo xigtay Saraakiisha Aqalka Cad.
Trump ayaa qoraal uu mar dambe soo dhigay bartiisa barraha bulshada, isaga oo u muuqda mid la hadlaya Netanyahu, waxa uu uga digay “Ha tuurin bambaanooyin. Haddii aad sameysid waa xadgudub weyn, hadda soo celi duuliyeyaashaada.”
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in Israel aysan qaadin wax weerar ah, ka dib markii ay wada hadleen Netanyahu iyo Trump.
Trump ayaad mooddaa in maamulkiisu uu haatan juhdi badani ku bixinayo, sidii dagaalku aanu u dhaafi lahayn habeenimada Talaadadan, si aanu u yeelan magac aan ahayn midka uu Trump u bixiyay ee ah (Dagaalkii 12-ka maalmood).