Ciidamada Iran ayaa bilaabay hawlgal sifeyn ah, oo ay dalka kaga sifeynayaan kooxaha basaasiinta ee la shaqeeya Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, waana hawlgalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee laga sameeyo dalkaasi.
Ciidamada Iran ayaa hadda u jiheystay in ay kooxahaasi ka ciribtiraan dalka, ka dib heshiiskii xabad joojinta Israel iyo Iran ee lagu soo afjarayay dagaalka labada dal.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in hawlgalku uu ka socdo dalka oo dhan, ayna jiraan xubno looga shakisan yahay basaasnimo oo gacanta lagu soo dhigay.
Dowladda Iran ayaa indhaha ku kala qaadday dagaalkan, ka dib markii ay garowsatay in Israel aanay dalkeeda ka fulin lahayn hawlgalo indhaha dadka soo jiita, haddii aysan jirin cid gudaha ku sugan oo xogta siineysa.
Hay’adda Mossad ayaa la aaminsan yahay in ay basaasiin fara-badan ka qoratay gudaha Iran, isla-markaana ay gacan weyn ka gaysteen dilalkii qorsheysnaa ee ay Israel saaxada kaga saartay saraakiil ciidan iyo saynisyahano reer Iran ah, muddadii 12-ka maalmood ee dagaalkan uu socday.
Saraakiisha Iran ayaa laga soo xigtay in qaranku uu u dhaqaaqay in la ciqaabo kuwa qiyaanay dalkooda, ka dib guusha ay sheegeen inay ka gaareen dagaalka Israel.
Hawlgalkan ayaa waxaa barbar-socda isku soo baxyo loogu dabaal-degayo, waxa lagu shegay ‘guusha taariikhda’, iyadoona Madaxweyne Masoud Pezeshkian uu sheegay in qorsheyaasha lagu kala qaybinayo shacabka Iran ay fashil doonaan. Madaxweyne Pezeshkian ayaa shacabka uu hambalyeeyay guusha dagaalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Iran ayaa Isniintii ansixiyay hindise cusub oo lagu xoojinayo ciqaabta basaasnimada iyo inuu dembi yahay la shaqaynta Mossad-ka Israel iyo cid kasta oo caqabad ku noqon karta amniga & danaha Iran.
Dagaalkan ayaa loo arkaa mid mideeyay inta badan shacabka Iran, waxayna si dhow ay ciidamada uga la shaqeynayaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwa ay ku tuhmayaan inay qalalaaso gaysan karaan amaba ay ku ogyihiin in ay si sharci darro ah hub u haystaan, hubkaas oo si qarsoodi ah looga soo gudbiyay soodimaha.
Hay’adda Garsoorka Iran ayaa dardargelinaysa dadaalada lagu dhaqangelinayo ciqaabta adag ee ka dhanka ah dadka lagu helo noocyada basaasnimo ee wax u dhimaya amniga qaranka.
Iyadoo si dhakhsa ah loo fulinayo xukunada dilka ee ay maxkamaduhu ridaan, Dowladda Iran ayaa Arbacadan xukun daldalaad ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay basaasnimo.
Saddexdan nin oo Iraaniyiin ahaa ayaa lagu dilay Magaalada Urmia oo ku taala waqooyi galbeed ee Gobolka Azerbaijan ee galbeedka Iran, una dhow xuduudaha Ciraaq iyo Turkiga. Masuuliyiinta ayaana sheegay in raggan ay la shaqeynayeen Israel.
Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan boqolaal qof oo ku eedeysan falal basaasnimo oo haatan ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo sugaya in sharciga la horgeeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in toddobaadyada iyo billaha soo socda ay aad u kordhi doonto tirada dadka, sida degdegga ah loogu fulinayo xukunada dilka ah.
Tani waa farriin loogu sheegayo kuwa dhaqaalaha ku soo qaata inay basaasaan dalkooda in aanay ciqaabtoodu ahayn wax aan dil ahayn.