Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in Israel ay dagaalka Gaza kala kulantay guul darro istiraatiijiyadeed, iyadoona ururku uu meesha ka saaray sheegashada Tel Aviv ee ku saabsan in la wiiqay awoodda militari ee iska caabinta Falastiiniyiinta, gaar ahaan kuwooda ka dagaalamaya Marinka Gaza.
Xamaas waxay sheegtay in hawlgalkii ay dagaal-yahanadeeda ka fuliyeen deegaanka Beit Hanoun ee waqooyiga Marinka Gaza, ayna kula beegsadeen Ciidamada Israel uu caddeynayo guul darrada Tel Aviv ka haysata Gaza.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay inuusan jirin wax ka dhaxeeya in Israel ay qaadato heshiiska xabad joojinta amaba in ciidamadeeda ay sii joogaan Gaza, dhiig baxana uu ku socdo.
Afhayeenka ayaa wacad ku maray in iska caabin Falastiin aysan marnaba qoriga caaraddiisa ka sii jeedin doonin Ciidamada Israel, inta ay ku sugan yihiin Marinka Gaza.
Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in iska caabintu ay u taagan tahay in maalin kasta ay daadiso dhiigga askarta cadowga, haddii aysan siyaasiyiintoodu ogolaanin in laga saaro Gaza oo dhan.
Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in dagaalka ay wadaan Xoogaga Falastiiniyiinta uu si isku mid ah uga sii socon doono min koonfurta illaa waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay maalin walba khasaare hor leh u gaysan doonaan cadowga, sida uu yiri.
Hadalkiisa ayaa yimid, ka dib hawlgalkii gaarka ahaa ee ka dhacay Beit Hanoun, oo Israel ay qiratay in looga dilay shan askari, 14 kalena looga dhaawacay.
Militariga Israel ayaa hawlgalkii habeenkii Isniinta uga jawaabay duqaymo iyo inay soo saaraan awaamiir ay dadka ugu sheegayaan in ay banneeyaan meelo ka mid ah deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Abu Ubaida, Afhayeenka Guutooyinka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa ka digay in mustaqbalka la arki doono Ciidamada Israel oo maxaabiis ahaan loogu qabsanayo dagaalka Gaza, haddii uu sii socdo.
Abu Ubaida ayaa shaki geliyay suurtagalnimada in Israel ay mustaqbalka ku guuleysan karto dagaalkan, isaga oo tixraacaya in 21 bilood oo dagaalkan uu socday aanay ka gaarin wax natiijo ah.
“Adkeysiga dadkeenna iyo geesinimada dagaal-yahanadeenna oo keliya ayaa ah waxa qaabeeya xeerarka hawlgelinta oo qeexaya marxaladda soo socota.” Ayuu yiri Abu Ubaida.
Abu Ubaida ayaa intaasi ku daray “Go’aanka ugu nacasnimada badan ee Netanyahu wuxuu noqon doonnaa inuu ciidamadiisa ku sii hayo Marinka Gaza.”
Hadalka Abu Ubaida ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli wada hadaladii Israel iyo Xamaas uga socday dalka Qatar aan illaa iyo hadda laga soo saarin wax heshiis lagu yayay. Wada hadaladan ayaa waxaa caqabad ku noqday danaha is diidan ee labada dhinac. Xamaas ayaa ku gorgortameysa in Ciidamada Israel aysan joogi karin Marinka Gaza, haddii la doonayo xabad joojin waarta amaba in la caddeeyo goorta ay ka baxayaan, iyadoo ay damaanad qaad buuxda jirto, halka Israel ay dhankeeda ku adkeysanayso xabad joojin lixdan cisho ah oo aan lahayn damaanad qaad ah in dagaalka aanu dib u bilaaban doonin.
Dagaalka oo illaa iyo hadda ay ku kala adkaan la’yihiin Ciidamada Israel iyo Xoogaga Falastiiniyiinta ayaa keenay daal iyo inuu dhiig badani daato.
Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan ayaa ah dadka rayidka ah, marka aad eegto in lagu dilay ugu yaraan 57,575 qof oo u badan dumar iyo carruur, sida ku cad tirooyinkii u dambeeyay ee Talaadadii ay daabacday Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa tirada dadka dhaawacmay ku sheegtay 136,879 qof.
Ciidamada Israel ayaa la tilmaamaa in ay yihiin dhibaneyaasha labaad ee dagaalkan, inkastoo la aaminsan yahay in dowladdoodu ay qarineyso xogta khasaaraha ee askarta.
Dagaalka Gaza ayaa qarxay wixii ka dambeeyay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023, markaas oo Xamaas ay weerar la yaab leh ku qaadday dhulka ay Israel maamusho ee laga haysto shacabka Falastiiniyiinta, oo Tel Aviv ay ku sheegto koonfurta Israel.
Dagaalkan ayaa saamayn maskaxiyan ah ku yeeshay Ciidamada Israel, waxaana inta la xusuusto markii koowaad la arkay ciidanka oo diidaya in loo diro Gaza, taasi bedelkeedana ay door bidayaan in ay is dilaan amaba in amar diiddo ay sameeyeen loo xiro, waana wax ku cusub baa la leeyahay taariikhda Israel in ciidanku ay diidaan inay hawlgal u aadaan meel ka baxsan xeendaabka Israel.
Dagaalka ayaa xitaa dhaawacay midnimadii shacabka Israel, waxayna Warbaahinta Israel ku qeexday mid khatar dhab ah ku ah jiritaanka Dowladnimada Israel.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in dagaalka Gaza uu kala dhantaalay midnimadii shacabka Israel ee ay si wadajirka ah ugaga hortagi jireen cadowgooda, isla-markaana ay isa soo tareyso dadka tirada dadka diidan, maadaama dagaalku uu cawaaqib ba’an ku yeelanayo masiirkooda, uuna ku keenayo amni darro iyo dhaqaale burbur, sababtu tahay dareenka xun ee uu ku yeeshay dadka gobolka iyo naceybka sii baahaya ee dunida.
Bulshada caalamka oo ay ku jiraan kuwa Yurub iyo Mareykanka ayaa meelo badan oo dunida ah ka dhigaya dibadbaxyo lagaga soo horjeedo ficilada foosha xun ee Israel iyo ku dhiiranaanteeda ku aaddan inay sii wadeyso xasuuqa dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza, si ay dhulkooda u boobto.