Home Wararka Maanta Madaxda Qaranka oo ku baraarugay qabsashadii Al Shabaab ee Degmada Moqokori

Madaxda Qaranka oo ku baraarugay qabsashadii Al Shabaab ee Degmada Moqokori

by Laacib

Tallaabada ay Al Shabaab Isniintii kula wareegtay gacan ku haynta Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa mid lama filaan ah ku noqotay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, inkastoo lagu eedeynayo in ay leeyihiin sababteeda, maadaama ay ka mashquuleen hawlgaladii lagu la dagaalamayay Al Shabaab ee ka socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxda Qaranka ay ku baraarugeen saamaynta ay leedahay in la lumiyo Moqokori, iyadoo loo eegayo meesha ay ku taalo iyo muhiimadda ay u lahayd la dagaalanka Al Shabaab.

Dhaliisha ugu weyn ee haatan loo jeedinayo Madaxda Qaranka ayaa ah in aysan si sax ah uga faa’iideysan muddadii ay ciidamada joogeen Degmada Moqokori, isla-markaana aysan ciidamadu helin taakulo in ku filan ah, inkastoo dowladdu ay dhowr jeer degmadaasi ka dejisay ciidan kooban oo xoojin ah oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa Hay’adda Nabad Sugidda iyo weliba hub iyo rasaas.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto gobolkaasi ayaa kuu sheegaya in labada xafiis ee dalka ugu sarreya ay si joogta ah ula wadaagayeen baahida dadka ay ku metelaan Baarlamaanka Federaalka iyo inay doonayaan taageero dheeraad ah, maadaama ay la dagaalamayaan waxa ay ku sheegeen argagixiso caalami ah, nasiib darrase ah aan waxba laga qaban.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee beesha bariga gobolka ayaa daaha gadaashiisha ka sheegaya in Madaxda Qaranka ay ka gaabiyeen dardargelinta hawlgaladii lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, tiiyoo haddana ay diyaar u yihiin in laga gudbo daldaloolada jira, si beesha ay u xaqiijiso hadafkeeda ah in ay iska difaacdo duulaanka Al Shabaab.

General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo Isniintii la hadlay BBC ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay yihiin dadka keliya ee illaa iyo hadda uu arkay in ay dhab ka tahay in laga adkaado Al Shabaab.

Jananka ayaa tilmaamay in dadka reer Hiiraan ay yihiin kuwii sanadkii 2022 bilaabay kacdoonkii lagaga soo horjeeday Al Shabaab ee markii dambena ku baahay Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Saraakiisha ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa laga soo xigtay in Madaxda Qaranka ay hadda garowshiyo ka bixinayaan in la dayacay fursad weyn oo dadka reer Hiiraan looga faa’iideysan karay, sida ay ugu heelan yihiin inay dhulkooda ka xoreeyaan maleeshiyada Al Shabaab, gacana ay ka gaystaan xoreynta dhulka intiisa kale ee maqan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska ugu sarreya ee dalka ayaa Universaltv u sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay hadda qaateen mowqif ah in dadka gobolkaasi la siiyo gacanta ay u baahan yihiin, isla-markaana ay amar siiyeen cidda ay khuseyso, waana tan bilowgiiba keentay sida uu yiri in Cali Jeyte Cismaan loo diro gobolka.

Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka oo tan iyo bishii March ka maqnaa jiidaha hore ee Gobolka Hiiraan ayaa maalin ka hor gaaray Magaalada Maxaas ee gobolkaasi.

Cali Jeyte Cismaan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayay wararku sheegayaan in la faray in uu mar kale dib ula wareego hoggaaminta dagaalka ay dadka gobolkaasi kala horjeedaan Al Shabaab.

Cali Jeyte ayaa lagu sheegaa nin khibrad u leh la dagaalanka Al Shabaab, waana ninkii sanadkii 2022 indhaha Dowladda Federaalka ku soo jeediyay in Macawiisleydu ay Ciidamada Qalabka Sida ka taageeri karaan in la wiiqo awoodda militari ee Shabaab. Shabaabka ayaa ah awoodda keliya ee muuqato ee maanta dagaalka tooska ah kula jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Jeyte ayaa abaabul ballaaran oo ciidan ka wada Maxaas oo la aaminsan yahay in Al Shabaab ay qorsheynayso, sidii ay maleesiyadeeda ula wareegi lahaayeen.

Jeyte ayaa waxay shaqadiisu tahay in uu boorka dib uga jafo Ciidanka Difaaca Shacabka, isla-markaana uu u diyaariyo in ay ka qayb qaataan guluf dagaal oo lagu xoreynayo Degmada Moqokori, iyadoo dagaalka laga fogeynayo Maxaas iyo in ay Shabaabku isku xirmaan min Shabellaha Dhexe, Hiiraan illaa bariga Gobolka Galgaduud, iyadoo markaasi Dowladda Federaalka ay fududeyn doonto wixii dhankeeda kaga xiran hawlgalkan.

Moqokori oo ku dhow xadka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa qiyaastii 55km u jirta Maxaas, waxayna luminteeda ay dib u dhac weyn ku tahay hawlgalkii la dagaalanka ee Al Shabaab, marka aad eegto meesha la joogay toddobaad ka hor iyo maanta oo Shabaabku uu gurmadkoodu isugu gooshi karo bariga Gobolka Shabellaha Dhexe illaa galbeedka Gobolka Hiiraan.

Cabsida ugu weyn ee xilligan jirto ee la doonayo in laga hortago ayaa ah in Shabaabku ay qabsadaan Maxaas, oo haddiiba ay dhacdo ay u sahlanaan doonto inay maleeshiyadooda isugu socdaalaan min Aadan Yabaal illaa Magaalada Ceelbuur ee bariga Gobolka Galgaduud.

Moqokori waxay ahayd isha ugu weyn ee laga weerari karay Shabaabka ku sugan Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Alkowsar, marka aad eegto in saddexda magaalo ay yihiin kuwo isku dhow oo aan ka fogeyn xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa billihii March iyo April la wareegay Alkowsar iyo Aadan Yabaal, waxayna billihii May iyo June ay awoodooda isugu keeneen xuduudda goboladaasi, si ay ula wareegaan Moqokori.

Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkanba maleeshiyada Al Shabaab ku hortaagnaa xuduudda labada gobol ee Hirshabelle, iyagoona Shabaabka ku jebiyay weeraro kala dambeeyay oo qaraxyo ku bilowdeen, oo ay ku soo qaadeen deegaanada qaar ee hoostaga Moqokori.

Dadka ka faallooda arrimaha amniga ee dalka ayaa qaba in maalmo yar uun ka dib qabsashadii Shabaab ee Aadan Yabaal ay la wareegi lahaayeen Moqokori, haddii aysan hortaagnaan lahayn Xoogaga Macawiisleyda oo sanadihii u dambeeyay sumcad ku yeeshay la dagaalanka Al Shabaab.

Xoogagan ayaa la sheegaa in ay iska diideen inay isu dhiibaan Shabaabka, si loogu lacageeyo hubkii iyo rasaastii ay dowladdu siisay, waana Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo hormuud iyo tusaale ay ku daydaan u ah Ciidanka Difaaca Shacabka ee deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ee loo abaabulay la dagaalanka Shabaabka caqabadda ku noqday amniga dalka.

Ciidamada ayaan la aqoon muddada ay ku qaadan doonto in ay Shabaabka dib uga riixaan Degmada Moqokori, maadaama ay adkaato meelaha ay Shabaabku soo galaan in si dhakhsa ah looga saaro.

Cali Jeyte Cismaan ayaase Arbacadii wacad ku maray in maleeshiyada Al Shabaab aysan sii joogi doonin degmadaasi, haddana ay hayaan falkeeda, sidii ay uga saari lahaayeen.

Dib ugu laabashada ciidamada ee Moqokori ayaa meesha ka saareysa rayadii Al Shabaab, ee ahayd in maleeshiyadeeda ay helaan marin ay isaga kala gudbi karaan labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc