Home Wararka Caalamka Jimciyadda lagu wareejiyay howlaha gargaarka ee Gaza oo dunida laga diiday

Jimciyadda lagu wareejiyay howlaha gargaarka ee Gaza oo dunida laga diiday

by Laacib

Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo lagu wareejiyay howlaha gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza ayaa la kulantay mucaaradad xoog leh, oo lagu diidan yahay howlaheeda gargaar qaybinta ee Gaza, maadaama si maalinle ah xarumaha ay gacanta ku hayso loogu dilo Falastiiniyiinta xaaladda adag wajahaya ee ku nool Gaza.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ku biiray aqlabiyadda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha samafalka oo si weyn uga soo horjeestay shaqada hay’addan.

ICRC waxay sheegtay inay aad u korortay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee dadka rayidka ah ka soo gaaraya xarumaha ay hay’addaasi ka furatay gudaha Gaza, si ay gargaarka ugu qaybiso.

ICRC ayaa sheegtay in beegsiga ciidamada ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ay uga sii dartay xaaladda Gaza, oo markii horeba ahayd sida ay sheegtay mid cakiran.

ICRC ayaa warbixinteeda ku sheegtay in isbitaalkeeda ku yaala deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza uu bishii June oo keliya uu adeeg caafimaad u fidiyay in ka badan dadkii ay daweeyeen sanadkii hore.

Hay’adda GHF ayaa bishii May xarumo lagu qaybiyo gargaarka ka furtay Gaza, iyadoo xarunteeda Rafah ay tahay meesha ugu badan ee dadka lagu dilo.

Xarumahan ayaa waxaa hareeyay dhiig, bedelkii ay ahayd in ay noqdaan xarumo faa’iido u leh dadka rayidka ah ee sida ula kaca ahi loo gaajeysiiyay.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in xarumahaasi ay noqdeen goobo lagu ugaarsado dadka gaajeysan, iyadoo laga faa’iideysanayo baahidooda aasaasiga ah, sababtoo ah waa inaanan gargaarka laga heli karin meelaha ka baxsan xarumahaasi.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay inay dhinteen in ka badan toddobo boqol oo qof, in ku dhow shan kun oo kalena ay dhaawacmeen, tan iyo markii ay hay’addan ka shaqo bilowday Marinka Gaza.

Hay’addan ayaa xoogtay shaqadii ay hay’adaha gargaarka bani’aadantinimada ay muddada dheer ka wadeen Marinka Gaza, waana wax ay Israel oo Mareykanku uu taageerayo ay dejiyeen in dadka rayidka ah lagu khasbo inay gargaarka u soo doontaan goobo xadidan oo ciriiri ah, is mana bixin karaan goobaha yar ee gargaarka lagu siinayo shacabka faraha badan ay gaajadu ku riixday in ay naftooda halis geliyaan, si ay u helaan cunto ay cunnaan.

Falastiiniyiinta reer Gaza oo wajahaya duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ayaan haysan doorasho aan ahayn in ay gargaarka u raadsadaan goobaha ay Hay’adda GHF maamusho.

Hay’adaha gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa dhawaan dalbaday in si degdeg ah albaabada la isugu laabo xarumahaasi, haddii ay halis ku yihiin nolosha dadka rayidka ah.

In ka badan 170 hay’ado caalami ah ayaa codsaday tallaabo degdeg ah, oo lagu soo afjarayo qorshaha gargaarka ee Israel iyo in dib loogu noqdo hababka isku-duwidda gargaarka ee Qaramada Midoobey ay hoggaamiso.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U Doodda ee Amnesty International ayaa adeegyada GHF ku tilmaamtay qorhe militari oo dilaa ah, isla-markaana baxsan bani’aadantinimada.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa hannaanka ay ku shaqeyso hay’addan ku tilmaamay mid si buuxda u jebinaya mabaadi’da bani’aadantinimada, isla-markaana aysan hay’addu ahayn mid dhexdhexaad ah.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa sheegay in 500 oo qof la dilay, iyagoo sugaya in ay raashiin helaan. Xafiiska OHCHR ayaa xusay in dhammaan dadkaasi lagu dilay agagaarka xarumaha ay gargaarka ku qaybiso GHF.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee lagu dilo dadka gaajeysan ee cuntada u soo doonta xarumaha gargaarka lagu bixiyo ee ay Israel dadka ku amartay inay taggaan.

Inkastoo Ciidamada Israel ay dusha ilaaliyaan xarumaha hay’addan, haddana GHF ayaa waxay leedahay ilaalo gaar ah oo hubeysan oo ka tirsan Militariga Mareykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin dilka shacabka aan hubeysneyn.

Wakaaladda Wararka AP ayaa laba qandaraasle oo American ah oo aan la magacaabin ka soo xigatay in ilaaladooda aadka u hubeysan ay u muuqdaan kuwo sameeya, waxa ay doonaan.

GHF ayaa daba-yaaqadii bishii May ka shaqo bilowday Marinka Gaza, xilli ay jirtay qaylo dhaan caalami ah oo ka dhalatay xanibaadda Israel ee gargaarka iyo is hortaag ay ku sameysay in hay’adaha waaweyn ee bani’aadantinimada ay gargaarka ka sii qaybiyaan Gaza, tani oo kaalmada bani’aadantinimo ka dhigtay mid aan laga heli karin Gaza oo dhan iyo cunto yari daran oo soo food saartay 2.3 milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa GHF u igmatay keenista gargaarka iyo inay u qaybiso dadka Gaza, iyadoo muddo laba bil iyo bar ah aan gargaarka naf badbaadinta la keenin dhulka ay Ciidamada Israel sida weyn u go’doomiyeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc