Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ee ku qulqulaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa isku diyaarinaya inay weerar ballaaran ku qaadaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Degmada Moqokori ee gobolkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka tirsan Talisyada Qaybaha 21aad iyo 27aad ee fadhigoodu yahay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne oo isugu tagey Maxaas ayaa halkaasi ku abaabulaya ciidamada, iyadoo uu ujeedku yahay in laga hortago in Shabaabku ay soo weeraraan Maxaas iyo in laga saaro Moqokori oo Isniintii ay la wareegeen.
Maxaas ayaa noqon doonto goob lagu dagaalamo, haddii aysan ciidamo u dhaqaaqin Moqokori oo saaran xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Militariga ay ciidamadu isugu duba-ridayaan laba qaybood, qayb difaacda Degmada Maxaas iyo qayb kale oo u dhaqaaqda xoreynta Degmada Moqokori, si aan loogu soo daba marin Maxaas, iyadoo cashar laga baranaya wixii ka dhacay Moqokori.
Shabaabka ayaa 7-dii bishan weerar ballaaran ku soo kediyay Degmada Moqokori, xilli inta badan ciidamadu ay cagta saareen waddada aadda deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmadaasi, si halkaasi looga saaro Shabaabka oo soo galay 29-kii bishii hore ee June.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in saraakiishu ay sugayaan ciidamo ay ku xoojiyaan weerarkooda, oo lagu abaabulay xeryaha ciidamada ee ku yaala Magaalada Muqdisho, laguna wado in ay gobolka soo gaaraan.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Somaliya uu sidoo kale diyaariyay hub iyo rasaas fara-badan oo ay tahay in la geeyo gobolkaasi, iyadoo la wanaajinayo niyadda dadka reer Hiiraan ee Dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ka gaabisay la dagaalanka Al Shabaab.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is garabtaag u muujineyso dadka gobolka ee jiidda hore u jooga inay ka hortaggaan colka Al Shabaab.
Degmada Maxaas oo ku taala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa maalmahaanba ku qulqulayay ciidamo ay tahay inay ka qayb qaataan dagaalka ay Al Shabaab ka furtay bariga Gobolka Hiiraan, ka dib la wareegitaankeedii Moqokori.
Ciidamada ugu badan ee haatan ku sugan Maxaas ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin kuwo u badan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Macawiisley gaareysa illaa sideed boqol oo nin ayaa la qiyaasaya inay iminka joogaan degmadaasi, kuwaas oo isugu jira kuwii ay horey Dowladda Federaalka u diiwaan-gelisay iyo kuwo kale oo cusub, oo doonaya in ay gacan ka gaystaan hawlgalkan, iyaga oo markaasi ka dhiidhinaya is fiditaanka ay Al Shabaab ka waddo bariga gobolkaasi.
Ciidamada ayay tahay in ay meesha ka saaraan khatarta ku aaddan in Shabaabku ay qabsan karaan Maxaas, haddii ay ka taageereyso in muddo dheer ay sii joogaan Gobolada Dhexe.
Dowladda Federaalka ayaa riixeysa in laga hortago isku dayga ay Shabaabku ku soo weerari karaan Maxaas, iyagoo furanaya waddada aadda bariga Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidamada Militariga iyo masuuliyiinta kale ee ku sugan Degmada Maxaas ayaa kuu sheegaya in heer gebo-gabo ah uu marayo diyaargarowga ciidamada, si ay u hujuumaan Shabaabka ku sugan duleedka Moqokori, si aysan Shabaabku u helin marin ay isugu socon karaan Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Shabaabku ayuu qasdigoodu yahay in ay qabsadaan Maxaas, maadaama ay xaqiijineyso in ay isku socdaalaan maleeshiyadooda ka hawlgasha Hirshabelle iyo Galmudug.
Maxaas ayaa ku taala meesha ay Shabaabku uga sii tallaabi karaan geeska bari ee Galgaduud oo Ceelbuur ay dhacdo, la’aanteedana way adag tahay in ay helaan marin ka sahlan, kana nabdoon.
Shabaabku waxay ogyihiin inay ku adkaan doonto inay si fudud u gaaraan cirifka bari ee Gobolka Galgaduud, haddii aanay iyagu maamulin Degmada Maxaas.
Shabaabka ayaa laga warqabaa in ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka Moqokori, waxaana suurtagal tahay in ay weerar ku beegsadaan Maxaas, ka hor inta aan la soo weerarin, tanina waxay xujo ku noqon kartaa qorshaha lagu xoreynayo Degmada Moqokori oo shan cisho horteed ay qabsadeen.
Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fahamsan in la wareegitaanka Maxaas ay noqon doonto dhammaadka guulihii laga gaaray wejiga koowaad ee hawlgalka dib xoreynta dalka ee ku dhawaad saddex sano ka hor ay ciidamadu ka bilaabeen deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, sababtoo ah isu socodka Shabaabka ee labada maamul ayaa keeni doonta in la lumiyo deegaanada harsan ee maleeshiyadaasi laga saaray sanadihii 2022 iyo 2023.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa sanadahaasi gacanta ku dhigay inta badan dhulkii ay Shabaabku ka maamulayeen maamuladaasi, walow ay dib ugu soo laabteen meelo badan oo dhulkaasi ka mid ah.
Cid kasta oo ka wada arrimisa Moqokori iyo Maxaas waxay garabka kale ku noqon doontaa guul darro istiraatiiji ah, iyadoo la tixraacayo halka la kala joogo.