Home Wararka Caalamka Yulia Svyrydenko oo loo magacaabay Raysal Wasaaraha Ukraine

Yulia Svyrydenko oo loo magacaabay Raysal Wasaaraha Ukraine

by Laacib

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa magacaabay Raysal Wasaare cusub oo dalka uu yeelanayo, wax yar uun ka hor, inta aanu Madaxweyne Donald Trump bedelin siyaasaddiisii ku wajahneyd Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa Yulia Svyrydenko oo 39 jir ah u magacaabay in ay noqoto Raysal Wasaaraha xiga ee dalkaasi, iyadoo bedeleysa Denys Shmyhal oo loo magacaabay jegada Wasiirka Difaaca.

Rustem Umerov oo hadda ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ayaa loo wadaa in uu noqdo Safiirka Ukraine ee dalka Mareykanka.

Zelensky ayaa sheegay in Yulia Svyrydenko oo dhaqaale-yahan ah uu u xushay inay hoggaamiso dowladda, si ay dalka uga bixiso xaaladdan fowdada ah.

Waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka uu ogolaaday in sahay militari la siiyo Dowladda Ukraine.

Trump ayaa xalay markii ugu horreysay ogolaaday in dowladdiisu ay taageero militari siiso Ukraine, si ay ciidamadeeda isaga caabiyaan weerarada Ruushka.

Trump ayaa horaantii sanadkan hakiyay kaalmadii militari ee Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ay siineysay Kyiv, si uu u wanaajiyo xiriirkii xilligaasi soo xoogeysanayay ee kala dhaxeeyay Madaxweyne Vladimir Putin.

Trump ayaa sheegay in uu gantaalada Patriot u diri doono Ukraine, isagoo dhanka kalena ku hanjabay in canshuuro adag uu ku soo rogi doono Ruushka, haddii aan 50 maalmood gudahood lagu gaarin heshiis suurtagelinaya in la soo afjaro dagaalka Ukraine.

Trump ayaa go’aankan ku dhawaaqay, xilli Ciidamada Ruushka ay toddobaadyadii u dambeeyay horumar ka sameynayeen dagaalka dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc