Ugu yaraan 25 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen isbuurasho iyo toogasho maanta ka dhacday goob raashiinka lagu qaybiyo, oo ay leedahay Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay bari-taarto, iyadoo taageero kaga haysata Mareykanka.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkan ay toogasho ku dileen Ciidamada Israel, xilli dadkaasi ay isugu soo baxeen xarunta gargaarka lagu qaybiyo ee ku taala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 15 ka mid ah dadkaasi ay u dhinteen isbuurasho iyo neef-qabad, ka dib markii sunta dadka laga ilmeysiisa lagu tuuray Falastiiniyiintii cuntada u soo raadsaday xarunta ay GHF ku leedahay Khan Yunis.
Isbuurashadan ayaa lagu sheegay dhacdadii ugu dambeysay ee dad badani ku dhintaan oo ka dhacda xarumaha ay Hay’adda GHF gacanta ku hayso.
Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii sheegtay in ugu yaraan 875 qof la dilay, iyagoo sugaya amaba doonaya in la siiyo cunto ay cunaan.
Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in dhammaan dadkani la dilay lixdii isbuuc ee u dambeysay, oo ah muddada ay GHF ka shaqeynayso gudaha Gaza.
Hay’adda GHF oo Israel ay sameysay, Mareykankuna uu taageeray ayaa daba-yaaqadii bishii May ka shaqo bilowday Marinka Gaza, markaas oo Israel ay ku wareejisay howlihii ay qabanayeen hay’adaha gargaarka bani’aadantinimada ee muddada dheer ka hawlgalayay gudaha Gaza.
Gaajada daran ee ka jirta Gaza ayaa dadka rayidka ah ee gaajeysan ku khasbeysa in ay u bareeraan khatar aad u sarreyso, si ay u helaan cuntada ay u baahan yihiin.
Falastiiniyiinta reer Gaza oo wajahaya duqaymaha baahsan ee Israel ayaan haysan doorasho aan ahayn in ay gargaarka u doontaan goobaha ay Hay’adda GHF maamusho, maadaama aanay jirin goobo kale oo raashiinka laga heli karo.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U Doodda ee Amnesty International ayaa adeegyada GHF ku tilmaamtay qorhe militari oo dilaa ah, isla-markaana baxsan bani’aadantinimada.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa Israel ku eedeeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso, sida hub oo kale.
Dhanka kale 56 qof oo dad rayid ah ayaa maanta lagu dilay goobo kala duwan oo Marinka Gaza ah, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqaymo ka gaysteen.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadan sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay weerarada Israel ku dhinteen 58,573 qof, ayna ku dhaawacmeen 139,607 kale.
Dunida ayaa waxa Gaza ka socdo ku tilmaamtay dembiyo dagaal, laakiin Israel ma ogolo in ciidamadeeda ay gaysanayaan xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.