Israel ayaa Arbacadan duqayn culus ka gaysatay Magaalada Dimishiq, oo ay ku jiraan xarumo dowladeed iyo agagaarka Xarunta Madaxtooyada Suuriya.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay duqayn ku ekeeyeen xarunta laga xukumo Militariga Suuriya ee Dimishiq.
Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday halka laga soo galo xaruntaasi oo la burburiyay.
Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya dhismaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo qayb ahaan burbursan.
Weerarkan ayaa daba socdo isku dhacyo maalmihii u dambeeyay ka jiray magaalada koonfurta Suuriya ku taala ee Suwayda, oo u dhaxeeyay ciidamo taabacsan Dowladad Suuriya iyo xoogag ka tirsan bulshada Druze.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in militarigu ay wadaan hawlgal lagu badbaadinayo Duruusiyiinta, isla-markaana ay meesha ka saarayaan ciidamada uu sheegay inay taageeraan Dowladda Suuriya, oo uu ku eedeeyay inay weerar ku hayaan Magaalada Suwayda, halkaas oo Duruusiyiintu ay ku badan yihiin.
Ciidamada Israel ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku lug lahaa duqaymo xagga cirka ah, oo ay ku beegsanayeen Ciidamada Suuriya, si loo joojiyo isku dhacyada ka soo cusboonaaday Suwayda.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa bulshada Druze ee degta Israel ugu baaqay in aysan u gudbin dhinaca Suuriya, iyagoo caawinaya dadka ay isku heybta yihiin.
Xukuumadda Netanyahu ayaa Ciidamada Suuriya ku cadaadineysa in ay ka baxaan magaaladaasi, oo joogitaankoodu ay u aragto mid khatar ku ah amniga Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ay Israel ku qaadday Caasimadda Dimishiq.
“Maamulka Sahyuuniyadda ee cadowga ah ma yaqaano xuduud.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi oo gobolka iyo dunidaba ugu baaqay in loo midoobo, sidii loo joojin lahaa gardarrada buu yiri aan loo baahnayn.
Dowladda Suuriya ayaa fadhi degdeg ah isugu yeertay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si looga hortago cawaaqibka ka dhalan kara xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah dhulka Suuriya.
Tan iyo markii 8-dii bishii December ee sanadkii 2024 la riday Dowladdii Madaxweyne Bashar Al Assad, Ciidamada Israel ayaa ka soo gudbay Buurta Golan Heights ee Suuriya laga haysto, iyagoona la wareegay goobta kormeerka ee Qaramada Midoobey ee kormeereysay, si aysan labada dowladood isugu dhicin.
Ciidamada Israel ayaa boqolaal weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Suuriya, ka dib is bedelkii ka dhacay dalkaasi.