Home Wararka Caalamka Israel oo shaacisay in ay ciidamo hor leh u waddo koonfurta Suuriya

Israel oo shaacisay in ay ciidamo hor leh u waddo koonfurta Suuriya

by Laacib

Israel ayaa waxay sheegtay in cutubyo ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Marinka Gaza ay gayn doonto xuduudda dalka Suuriya, gaar ahaan dhulka ay ka haysato koonfurta dalkaasi, oo Tel Aviv ay ugu yeerto waqooyiga Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamada qaar ee ku sugan Gaza ay isku diyaarinayaan in loo daabulo xuduudda waqooyiga Israel, iyaga oo markaasi ka hawlgalaya koonfurta Suuriya.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Israel ee jiidda waqooyi, General Ori Gordin ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay haatan si go’aan leh uga hawlgalayaan aagga Magaalada Suwayda ee koonfurta Suuriya.

“Waxaan kordhinaynaa cadaadiska iyo xowliga duqaymaha.” Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta ka soo muuqday, isagoona intaa raaciyay “Waxaan sii wadi doonnaa duqaymaha koonfurta Suuriya oo dhan.”

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii bilaabay in ay isku fidiyaan aagga Suwayda, iyagoo garab siinaya xoogaga bulshada Duruusiyiinta ee dagaalka kula jira ciidamada taageeraya Dowladda Suuriya.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in ciidamadiisu ay wadaan hawlgal ay ku badbaadinayaan Duruusiyiinta.

Israel ayaa waxay Ciidamada Suuriya ku cadaadineysaa in ay ka baxaan magaaladaasi, waana xilli ay ogtahay in Suwayda ay tahay magaalo ku taala gudaha Suuriya.

Israel ayaa dhul ballaarsi ka heshay ridistii Dowladdii Bashar Al Assad, waxayna markii ugu horreysay bishii December ay ciidamadeeda qabsadeen goobta ciidamada ka caagan ee laga dhex sameeyay labada dal, ee ah aagga kormeerka ee Qaramada Midoobey ee looga hortago isku dhacyada labada dal.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suuriya, Geir Otto Pedersen ayaa kol hore sheegay in qabsashada Ciidamada Israel ee aagga militariga ka caagan ay xadgudub ku tahay heshiiskii kala diridda ee 31-kii bishii May ee sanadkii 1974-kii.

Israel ayaa waxaa muuqato in ay si qoto dheer uga soo fogaatay Buuraleyda Golah ee Suuriya laga haysto, isla-markaana ay Israel ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay, sanadkii 1967-kii.

Israel ayaa waxay hadda ku andacooneysaa in joogitaanka Ciidamada Suuriya ee Magaalada Suwayda ay khatar ku tahay amnigeeda.

Mareykanka oo haatan ku kala dhex jira labada dal ayaa Dowladda Suuriya culeys ku saaraya, sidii ay ciidamadeeda uga la soo bixi lahayd magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc