Home Wararka Caalamka Dilalka aargoosiga oo ku soo badanaya dalka Suuriya

Dilalka aargoosiga oo ku soo badanaya dalka Suuriya

by Laacib

Rabshadaha iyo dilalka aargoosiga ayaa ku soo badanaya dalka Suuriya, tan iyo markii uu Axaddii dagaalka ka bilowday magaalada koonfurta dalkaasi ku taala ee Suwayda.

Dabley hubeysan ayaa xalay oo ugu dambeysay waxay saddex qof ku dileen Magaalada Homs. Dableydan ayaa la sheegay inay xaafadda Al-Adawi ku dileen saddex nin oo dhallinyaro ahaa, ka dibna ay ka baxsadeen goobta.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay in aan la aqoonsan dembiileyaasha.

Kooxda ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid si weyn looga dareemay magaaladaasi, isla-markaana ay cabsi ku keentay dadka deegaanka.

Kooxda SOHR ayaa sheegeysa in ciidamada amniga ay shacabka ka codsadeen in ay feejignaadaan, isla-markaana ay dhaqdhaqaaqooda yareeyaan, sababtoo ah suurtagalnimada in weeraro ceynkani oo kale ah ay dhici karaan.

Kooxda ayaa waxay sheegtay in beegsigan uu ku soo aadayo, iyadoo ay sii kordhayaan qalalaasaha amni ee ka jira meelo badan oo ka mid ah dalka, ka dib dagaalka ka soo cusboonaaday Magaalada Suwayda ee koonfurta dalkaasi.

SOHR ayaa Dowladda Suuriya ugu baaqday in ay si degdeg ah oo hufan u baarto dembiyada ka dhacaya dalkaasi, isla-markaana ay laamaha amniga soo bandhigaan aqoonsiga dembiileyaasha, iyagoo qaadaya tallaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.

110 qof ayaa Arbacadii shalay oo keliya lagu dilay dalkaasi, ka dib weeraro ka dhacay meelo kala duwan oo dalkaasi ah, sida ay xaqiijisay SOHR.

“Tirada dhibaneyaasha ee loo dilay falalka aargoosiga iyo habdhaqanka daadinta ayaa tan iyo bilowgii sanadkan ee gobolada kala duwan ee Suuriya gaartay 863 qof. 819 rag ah, 29 dumar ah iyo 15 carruur ah.” Ayay sheegtay SOHR.

Dhacdooyinkan u dambeeyay ayaa xaaladda Suuriya ka dhigaya mid aad looga walaaco.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc