Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Suuriya oo sheegay inay ka baaqsadeen dagaal furan oo lala galo Israel

Madaxweynaha Suuriya oo sheegay inay ka baaqsadeen dagaal furan oo lala galo Israel

by Laacib

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed Al Sharaa oo saaka khudbad ka jeediyay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in dalkiisu uu ka baaqday dagaal buuxa oo uu la galo Israel, iyagoo xeerinaya danaha qaranka iyo wadajirka shacabka Suuriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaranku uu wajahay laba ikhtiyaar, oo uu ku kala sheegay in ay dagaal furan la galaan Israel, oo dhibka ugu weyna uu soo gaaro bulshada Duruusiyiinta iyo inay ogolaadaan in Hoggaanka Diinta ee Duruusiyiinta ay ku soo laabtaan in ay mudnaanta siiyaan qaranka, iyadoo laga fogaanayo kala qaybsanaan Suuriyaanka dhexdooda ah.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in aysan ka cabsaneynin dagaal, balse ay doorteen dariiqa wanaagsan ee dalka ka saaraya fowdada iyo burburka.

“Kama cabsanayno dagaal, taariikhdeenna waxaa ka buuxa dagaalo aan ku difaacayno dadkeenna, laakiin waxaan dooranay dariiqa daryeelka Suuriya ka saaraya fowdada iyo burburka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Suuriya ayaa khudbaddiisa ku weeraray Israel, oo uu ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso kala qaybinta dadka Suuriya, waxaana uu wacad ku maray in dowladdiisu ay ilaalin doonto xuquuqda dadka Druze.

“Maamulka Israel oo caan ku ah isku dayga soo noqnoqda ee uu ku doonayo in uu nagu qalqalgeliyo, oo ay nagu kala qaybiyaan ayaa mar kale doonaya in ay dhulkeenna ka dhigaan goob dagaal oo fowdo ah iyo in ay burburiyaan qaabka dadkayaga.” Ayuu yiri Madaxweyne Al Sharaa.

Madaxweynaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay weerar ballaaran ku beegsatay xarumaha dowladda iyo rayidka, tani oo keeni lahayd sida uu yiri isku dhac weyn, haddii dalalka Mareykanka, Carabta iyo Turkiga aysan ka shaqayn lahayn in xiisadda la dejiyo.

“Dhexdhexaadinta wax ku oolka ah ee Mareykanka, Carabta iyo Turkiga ayaa gobolka ka badbaadisay xaalad aan la garaneyn.” Ayuu yiri Al Sharaa.

Al Sharaa ayaa carabta ku adkeeyay in ilaalinta muwaadniinta Druze ay tahay mudnaanta dowladdiisa, waxaana uu ballanqaaday isla xisaabtan iyo caddaalad, ka db isku dhacyadii Magaalada Suwayda oo lagu dilay dad badan oo Duruusiyiin ah.

“Waxaan aad u daneynaynaa inaan la xisaabtano kuwa ku xadgudbay dadkayaga Druze-ka, maadaama ay ku hoos jiraan ilaalinta iyo masuuliyadda dowladda.” Ayuu yiri Al Sharaa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin laga sameeyo Suwayda iyo in la joojiyo hawlgalkii militari ee halkaasi ka socday, ka dib dhowr cisho isku dhacyo ay ku dhinteen 360 qof.

Israel ayaa Arbacadii duqayn culus ka gaysatay Caasimadda Suuriya ee Dimishiq, taasoo sare u qaaday hawlgalka ay sheegtay in lagu taageerayo xoogaga bulshada Duruusiyiinta ee beelaha Bedouin iyo Ciidamada Dowladda dagaalka kula galay Suwayda.

Duruusiyiinta oo ah Carab laga tiro badan yahay, balse ku badan Suwayda, isla-markaana xiriir la leh Israel ayaa u qayshaday dowladda uu madaxda ka yahay Benjamin Netanyahu, oo ciidamadeeda ay duqaymo ku bilaabeen kaabeyaasha militariga ee Suuriya, iyagoo dantooda ka dhex arkay.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in ciidamadiisu ay wadaan hawlgal ay ku badbaadinayaan Duruusiyiinta.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar xanuun badan, ka dib duqayntii ballaarneyd ee Dimishiq.

Israel ayaa kordhisay duqaymaheeda Suuriya, tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashar Al Assad, si ay dalkaasi uga dhigto mid aan is difaaci karin, isla-markaana ay dadkiisu kala qaybsan yihiin.

Israel ayaa la sheegaa in ay Duruusiyiinta u soo bandhigtay in ay ka go’aan Suuriya, iyagoo la midoobaya Israel, maadaama dad Duruusiyiin ah ay degan yihiin waqooyiga Israel, laakiin ay ku gacan seyreen, isla-markaana haddiiba ay ka go’ayaan Suuriya ay noqonayaan maamul si iskiis ah u taagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc