Home Wararka Caalamka 940 qof oo ku dhintay dagaalka ka socdo Magaalada Suwayda

940 qof oo ku dhintay dagaalka ka socdo Magaalada Suwayda

by Laacib

Tirada dadka ee ku dhintay dagaalka ka socdo Magaalada Suwayda ayaa gaartay 940 qof, sida ay xaqiijisay Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska

Kooxda ayaa sheegtay in dadkan oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo weliba dad rayid ah ay dhinteen, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay magaaladaasi, Axaddii la soo dhaafay.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya maleeshiyada beelaha Bedouin-ta iyo kooxaha Duruusiyiinta ee ku awoodda badan Magaalada Suwayda ee koonfurta dalkaasi Suuriya.

Maleeshiyada beelaha Bedouin-ta ayaa la sheegay in ay horumar ka sameeyeen dagaalkii ay maanta kooxaha Duruusiyiinta kula galeen magaaladaasi.

Dagaal-yahanada Bedouin-ta iyo xulafadooda oo ka soo duulay deegaanada hoostaga magaaladaasi ayaa la dagaalamaya kooxaha Duruusiyiinta ee lagu eedeeyay in ay jebiyeen heshiiska xabad joojinta ee Khamiistii la dhaqangeliyay, markii ay dileen dad ka soo jeeda Bedouin-ta laga badan yahay ee ku nool gudaha magaaladaasi.

Bedouin-ta oo ku xoogan duleedyada magaalada ayay u suurtagashay in ay kooxaha hubeysan ee Duruusiyiinta ka saaraan meelo ka mid ah wadnaha magaalada, tani oo ay kaga jawaabayaan xadgudubka ay ku sameeyeen xabad joojintii ay ku heshiiyeen Dowladda Suuriya iyo Hoggaanka Diinta ee Duruusiyiinta in laga dhaqangeliyo Suwayda.

Heshiiskan oo ay ka soo shaqeeyeen Mareykanka, Turkiga iyo Dowladaha Carabta qaarkood ayaa la doonayay in lagu soo afjaro dagaalkii 13-kii bishan ka qarxay magaaladaasi ee u dhaxeeyay qabaa’ilada Bedouin-ta iyo Druze-ka, iyadoona uu ujeedku ahaa in lagu baajiyo fara-gelin kale oo militari ay Israel ku sameyso dalkaasi, taasoo haddii ay sii socoto keeni kartay in labada dowladood ay isku dhacaan.

Israel ayaa 48-ka saac ka dib markii uu dagaalkaasi qarxay bilowday in ay xagga cirka ka garaacdo maleeshiyada Bedouin-ta iyo ciidamadii ay Dowladda Suuriya magaaladaasi u gaysay in ay xaaladda dejiyaan, waxaana xusid mudan in Israel ay duqaymaheeda ku ballaarisay Magaalada Dimishiq. Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaana Arbacadii sheegay in Ciidamada Israel ay difaaci doonaan bulshada Duruusiyiinta.

Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa Madaxweyne Ahmed Al Sharaa habeenkii Arbacada ku qanciyay in Ciidamada Suuriya laga saaro magaaladaasi iyo in heshiis xabad joojin ah lala galo Hoggaanka Diinta ee Duruusiyiinta, iyadoona amniga lagu wareejinayo xoogag ka amar qaata hoggaamiyeyaashaasi, sababtu tahay Israel oo joogitaanka Ciidamada Suuriya ee magaaladaasi u arkeysay mid khatar ku ah amnigeeda.

Xabad joojinta ayaa saacadihii hore ee Khamiistii u muuqatay mid shaqeynaysa, waxayse jabtay, markii Duruusiyiinta lala xiriiriyo Israel ay dileen qaar ka mid ah dadka Bedouin-ta ee ku nool magaaladaasi, waana tan soo dedejisay in maleeshiyada Bedouin-ta ay dib ugu soo rogaalceliyaan magaalada.

Madaxtooyada Suuriya ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda ay dib ugu celineyso Suwayda, si loo dhaqangeliyo xabad joojinta, waxna looga qabto xaaladda magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman uu Jimcihii la xiriiray Madaxweyne Al Sharaa, isla-markaana uu ku booriyay in dowladdiisu ay wax ka qabato xaaladda cakiran ee Suwayda, iyadoo aysan Israel wax duqayn ah u gaysan doonin Ciidamada Suuriya.

Isla Jimcihii, Danjiraha Mareykanka ee Turkiga ahna Ergayga Mareykanka ee Suuriya, Tom Barrack ayaa sheegay in Raysal Wasaare Netanyahu iyo Madaxweyne Al Sharaa ay ku heshiiyeen xabad joojin, si loo dejiyo xiisadda Suwayda.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada qaarkood ay maanta gudaha u galeen magaalada, si ay gacan uga gaystaan xasillinta xaaladda Suwayda.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana uu burbur xoog leh ka soo gaaraya dagaalka culus ee saamaynta ku yeeshay qaybaha magaalada oo dhan.

Xoogaga Duruusiyiinta ayaa wada abaabul xoogan, oo ay ku doonayaan in ay dib ugu la wareegaan goobihii ugu dambeeyay ee laga qabsaday, taasoo la leeyahay waa mid suurtagal ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc