Home Wararka Caalamka Xoogaga Duruusiyiinta oo dib ula wareegay gacan ku haynta Suwayda

Xoogaga Duruusiyiinta oo dib ula wareegay gacan ku haynta Suwayda

by Laacib

Maleeshiyada beelaha Bedouin-ta ayaa caawa dib looga riixay Magaalada Suwayda, ka dib weerar saf ballaaran oo sida la sheegay ay soo qaadeen kooxaha magaaladaasi ku xoogan ee Duruusiyiinta.

Dagaal-yahanada Bedouin-ta ayaa maanta si weyn isugu soo fidiyay magaalada, iyagoona kooxaha Duruusiyiinta ka qabsaday meelo badan oo ka mid ah faras magaalaha magaalada, waxayna u muuqdeen kuwo ay adag tahay in la xakameeyo, inkastoo haddaba aysan ka fogeyn magaaladaasi.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ayaa sheegtay in kooxaha Druze-ka ay soo qaadeen weerar ballaaran oo rogaalcelin ah, isla-markaana ay dib u qabsadeen goobihii laga qabsaday.

Kooxda oo soo xigatay ilo wareedyo maxali ah ayaa ku warantay in dagaal-yahanada Bedouin-ta ee ka soo duulay duleedyada Suwayda ay caawa isaga baxeen magaaladaasi.

“Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah oo Suuriya ka tirsan, dagaal-yahanada Druze-ka ayaa qaaday weerar ballaaran, isla-markaana ay dib ula wareegeen dhammaan xaafadaha Magaalada Suwayda, ka dib dagaalo saacado badan qaatay oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.” Ayay kooxda SOHR ku sheegtay warsaxaafadeed ay goor dhow soo saartay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada laga saaray magaalada ay madaafiic ku soo garaaceen gudaha magaaladaasi, waxyeelana ay ka soo gaartay dad rayid ah, inkastoo aan warsaxaafadeedka lagu xusin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

SOHR ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday tallaabo degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah, laguna soo afjarayo xaaladda murugsan ee ka jirta magaaladaasi.

SOHR waxay xaaladda Suwayda ku sheegtay mid sii xumaaneysa, iyadoona walaac ka muujisay itaal darrida Dowladda Suuriya, marka ay noqoto in jawaab togan laga bixiyo xaaladda adag ee ka jirta magaalada.

Dagaal-yahanada laga riixay magaalada oo ku sugan afaafkeeda hore ayaa laga cabsi qabaa in ay mar kale soo jiiraan dhufeysyada maleeshiyada Duruusiyiinta, kuwaas oo dhowr jeer lagu jebiyay aagaggii la isku fara saaray, muddada uu socdo dagaalkan oo qarxay 13-kii bishan.

Dagaalka ayaa caqabad ku noqday fursadihii ay dadka rayidka ah uga bixi karayeen magaalada, maadaama ay ku xirmeyn waddooyinka oo dhan. Gaadiidka kooxaha isku haya magaalada oo keliya ayaa galaangal u leh in ay adeegsadaan waddooyinka.

Dadka magaalada ku dhaqan ayaa waxaa u dheer in ay soo wajahday cunno yari, mana heli karaan raashiinka aasaasiga ah, sida rootiga.

Isbitaalka Guud ee Suwayda ayaa waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay adeegyadii uu bixinayay, taasoo ka dhalatay koronto la’aan iyo gabaabsi ku yimid biyaha iyo sahayda dawada oo ka dhammaatay.

Isbitaalka ayaa xitaa joojiyay adeeggii gaarka ahaa ee lagu la tacaalayay bukaanada qaba xanuunada daba dheeraada, waxayna kooxaha caafimaadka sheegeen in faashad oo ugu yar aan isbitaalka laga heli karin.

Dagaalkan ayaa walaac gaar ahi ku haya dadka faraha badan ee ku xaniban guryahooda, waxaana laga digayaa in masiibo bani’aadantinimo ay ka dhacdo magaaladaasi, haddii uu dagaalku sii socdo.

Iska horimaadyada hubeysan ayaa hakiyay dhaqdhaqaaqyadii ka jiray magaalada, waxaana kordhaya baaqyada gudaha iyo dibadda ee lagu dalbanayo in la furo waddooyin bani’aadantinimo oo degdeg ah, si ay dadku ugu suurtagasho in ay isaga baxaan magaaladaasi amaba in gargaar la gaarsiiyo rayidka iyo bixinta baahiyaha aasaasiga ah ee ugu yar.

Suwayda ayaa la foolaneysa qalalaasaha amni ee sii kordhaya iyo hubka faraha badan ee ku baahaya gudaha magaalada iyo bannaanadeedaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc