Xaalad deganaan ah ayaa maanta ka jirta magaalada koonfurta Suuriya ku taala ee Suwayda, ka dib dagaal socday toddobaad uu dhiig badani ku daatay.
Maleeshiyada Bedouin-ta ee ku xoogan duleedyada magaalada ayaa xalay isaga baxay magaalada, ka dib weerar rogaalcelin ah oo ay sameeyeen kooxaha Duruusiyiinta ee ku awoodda badan magaaladaasi, sida ay sheegtay Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR).
Hase yeeshee Bedouin-ta ayaa diiday in dagaal looga saaray magaalada, balse ay uga baxeen iyagoo tixgelinaya xabad joojinta cusub ee ay Sabtidii ku dhawaaqday Dowladda Suuriya.
Goobihii lagu dagaalamay ee magaalada ayaa waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya maleeshiyada Duruusiyiinta iyo Ciidamada Dowladda Suuriya oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada.
Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in isku dhacyadii ka socday Suwayda ay joogsadeen, ka dib toddobaad rabshado ay ku dhinteen illaa kun qof.
Dadka rayidka ah ee ku go’doonsanaa guryahooda ayay dhegahoodu maanta ka nasteen daryanka sawanka ee hubka culus.
Dadku ayaa waxay bilaabeen in ay u soo baxaan waddooyinka magaalada, iyagoo qiimeynaya xaaladda.
Magaalada ayaa waxaa ka muuqanaya burburka uu dagaalka uga tagey, isgaarsiintana waxaad mooddaa in weli ay ciriiri tahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Suuriya, Anas Khattab ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka shaqeynayso, sidii ay xaaladda ugu soo celin lahayd mid caadi ah.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay haatan ku sugan yihiin magaalada, isla-markaana ay gacanta ku hayaan kontoroolada waqooyiga iyo galbeedka ee Suwayda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa Dowladda Suuriya ku booriyay in ay xasiliso xaaladda magaalada.
Suwayda ayaa marti-gelisay toddobaadkii ugu adkaa, oo sida la sheegay magaalada geliyay xaalad kacsanaan ah oo aan horey loo arag.